DAL BA'AY YAA KU LEH? – SOOMAALIYA WAA MASHRUUC

0
Tuesday March 29, 2016 - 20:37:03 in Maqaallo by
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAL BA'AY YAA KU LEH? – SOOMAALIYA WAA MASHRUUC

    Waxaad wada ogsoon tihiin in Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee 275 ahi in ay sitaan inta ugu badani jinsiyado Shisheeye oo kala duwan. Waxaa ilaa iyo hada la ogyahay in 168 Xildhibaani aay sitaan jinsiyadaha Yurub oo ay Qaxooti Cayr ku nool ah aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad wada ogsoon tihiin in Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee 275 ahi in ay sitaan inta ugu badani jinsiyado Shisheeye oo kala duwan. Waxaa ilaa iyo hada la ogyahay in 168 Xildhibaani aay sitaan jinsiyadaha Yurub oo ay Qaxooti Cayr ku nool ah ahaayeen hadana Dhaylo iyo Babaay ku nool yihiin.
Kuwa kale waxaay sitaan Baasabooro USA iyo Canada halka 32 Xildhibaani aay sitaan dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti, kuwa reer galbeedka sitaa waxaa aay u soo dhaarteen in aayan ka horimariyaan danaha dalalka aay Passaporadooda soo qaateen.

Waxaa lagu dhaartaa marka aad jinsiyadaada ka tageeysid oo aad qaadaneeysid mida reer galbeedka in aadan ka horimaan marna danaha dalka jinsiyada aad ka qaadaneeysid, hadaba sidee ugu shaqeeyn karaan Xildhibaanadaa danaha iyo dhisida qaran Somali ???

Haddii aad u fiirsato Madaxweynaha Somaliland (Siilaanyo) waxaa uu sitaa Passapor Ingiriis ah halka Cali Khaliif iyo Cabdiweli M. Cali Gaas ay sitaan Passaporo USA. Shariif Xasan waxuu sitaa Baasaboor Jabuuti ah halka Axmed Madoobe uu sito Baasaboor Itoobiyaan ah. Gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari waxaa uu sitaa Passapor Nowegian halka inta R/wasaarayaasha dalka soo maray ay wateen jinsiyado kala duwan sida C/weli Sheekh Yuulka waxuu watay Passapor Canada sidoo kale Saacid waxaa uu sitay Kenyaan sidoo kale Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu watay Passapor USA halka R/wasaaraha maantana Cumar Cabdirashiid uu sito Passapor Canada ah sow lama dhihi karo Dal Ba’ay Yaa Ku Leh ????

Nin walbaa oo Xildhibaan ah Caruurta iyo Xaasaska ay qabeen waxeey ugu soo tageen Yurub,USA,Canada ama dalalka deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti, sidee Somali wax ugu sugtaa kuwa gabay waajibkii ilaah saaray ee aheyd xanaaneeyta iyo badbaadinta kuwa dhabarkooda ilaah ka soo gooyay, waxaa la dhahaa waxii la Qariyaaba qaawisaa timid, waxaa haboon in dalka kuwa u soo shaqo tagay in il gaar ah lagu eego, dastuurka qabyo qoraalkana lagu daro in qof sitaa Passapor aan Somali aheeyn xil loo dhiibin, dalka waxaa uu ka dagi la yahay kuwa qurbaha ku raagay jecelna in aay u shaqeeyaan dalalka aay u soo dhaarteen.

Norwey waa dalka bixiya mushaarka Xildhibanda dowlada federaalka Jawaarine lagama yaabo in uu ka horimaado marna danaha fog ee Norwey sababta oo ah waxaa uu sitaa jinsiyada Norwey.

Waxaa Qoray: Abdifatah Ahmed

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip