DAAWO SAWIRRADA:AMISOM ma Calooshood u shaqeystayaal sharciyeysanaa?

1
Friday March 12, 2021 - 12:19:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRRADA:AMISOM ma Calooshood u shaqeystayaal sharciyeysanaa?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

AMISOM ayaa Maanta Xirtay Dhamaan Irdaha laga soo galo Xalane , weliba Hub eyna weligood Dibadda u soo bixin ayeey u soo saareen Banaanka, iyaga oo ka hor istaagay Dadkii ka qeyb gali lahaa Salaadda Janaaso ee Xaaji Cali Mahdi ee Garoonka gudihiisa, qaraabro, Asaxaab , Siyaasiyiin iyo Madaxweyna yaashii hore, Waxa eyna ku doodayaan in Amarka ey ka qaateen Madaxda Dowladii waqtigeedii dhamaaday iyo in Ciidamada ilaalinayay Madaxdii hore ey Hubka ka dhigaan haddiiba ey gudaha soo galayaan.

waxaa Ciidamo kale lagu xiray Dhamaan wadooyinka Magaalada ee Dadweynuhu u Mari lahaa, Halka lagu aasayo Marxuumka, taa oo hoos u dhigee Tirada Dadweynihii ka qeyb gali lahaa Aaska.

AMISOM waxa ey cadeysatay sidii hore Dadku u dareensanaayeen in ey yihiin Ciidamo Calooshood u shaqeystayaal ah oo uu kireysan karo Qofkii u baahdo Xattaa haddii aad qabto Xaflad Aroos.

waxaa socdo Dood ah in Haddii eynan Madaxdii hore iyo Mucaaradku eyna ka qeyb galeeyn Salaadda Janaasada, in kuwa Dowlada Xilgaarsiintuna eyna ku tukan ee Toos loogeeyo Halka lagu aasayo.

Xaajadu waa cuslaatay, waxa eyna ku dhawaatay iska hor imaad, iyo Gurmad wacasho dhinacyada ah. Dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday in ey Hubkooda Gudaha la galaan, AMISOM ayaa Dareentay in Ciidamo isla eg iskana soo horjeedo ey Aaga buuxiyeen.

Ugu Dambeyn Hadda ayaa qooyskii iyo Asaxaabtii Marxuumka iyo Mucaaradkii loo ogolaaday Gudaha, Anniguna Hadda ayaan la soo galay Asaxaabtii Marxuumka gudaha la soo galay.


Hadda Jawigu waa soo hagaagay, Labaddii dhinac ee Muxaafada iyo Mucaarad ayaa gudaha wada joogo iyaga oo is ku wada tacsiyeeynayo.

Amuuraha Alla ha sahlo, Nabadna Alla ha noo keeno.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip