Shaqaalaha Air France oo Nafta ka Jari Garay Madaxda Sare Shirkaddaas;-Daawo+Sawirro

0
Wednesday October 07, 2015 - 09:54:14 in Wararka by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Air France oo Nafta ka Jari Garay Madaxda Sare Shirkaddaas;-Daawo+Sawirro

    Waxaa shalay xafiiska shirkadda Air France ee magaalada Paris ee dalka Fransiiska weerar ku qaaday shaqaale careysan kadib markii saakay ay shirkaddaasi ku dhawaaqday in ay sameyn doonto shaqaale dhimis islamarkaana ay eryeyso 2900 oo shaqaale ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay xafiiska shirkadda Air France ee magaalada Paris ee dalka Fransiiska weerar ku qaaday shaqaale careysan kadib markii saakay ay shirkaddaasi ku dhawaaqday in ay sameyn doonto shaqaale dhimis islamarkaana ay eryeyso 2900 oo shaqaale ah.

Xafiiska la weeraray ayaa ku yaal agagaarka garoonka Charles de Gaulle ee magaalada Paris, waxaana shaqaalihii careysnaa ay gacan ku dhigeen labo ka mid ah madaxda shirkadda kuwaas oo ay nafta dhaafin lahaayeen, hadaan laga soo gaari laheyn.

Labada ruux ee halista galay ayaa kala ah Frédéric Gagey, madihii shirkadda iyo ku xigeenkiisa Pierre Plissonnier, waxaana faro cidiyo leh ku bad-baadiyay ilaalada xafiiska shirkadda oo darbi ka bootiyay.

Air France ayaa dhacdadani booliska ku wargeliyay, waxayna sheegeen in ay dacwad ka gudniyeen shaqaalihii weerarka ka dambeeyay oo badnaa.

Shirkadda Air France ayaa waxaa ay shaqo siisaa shaqaale gaaraya 69.500, waxaana ay sanadkii 2014-tii la midowday shirkadda KLM ee dalka Holland laga leeyahay.

Shaqaalaha la ruqseynayo ayaa ka kala imaanaya qeynaha kala ah 1700 oo shaqaale caadi ah, 900 oo kuwa kabinka ka shaqeeya ah iyo 300 pilots ah.

1 2 4 5 6 7 8 9

air_france_mudaaharaad_1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip