Labadaa nin keebaa tolkeen ah?

0
Monday March 28, 2016 - 11:07:52 in Maqaallo by
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadaa nin keebaa tolkeen ah?

    Kan hore waa nin reerka ka dhashay oo aabbihi iyo awowgiisba la yaqaan. Maalintii uu garaadsaday ilaa maanta oo uu afartankii kor u dhaafay dhib maahee tolka wax dheef ah uma keenin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kan hore waa nin reerka ka dhashay oo aabbihi iyo awowgiisba la yaqaan. Maalintii uu garaadsaday ilaa maanta oo uu afartankii kor u dhaafay dhib maahee tolka wax dheef ah uma keenin.

Tolku wuxuu ka baxshay shan nin oo uu dilay magtood, seddex gaari oo uu dhacay qiimohoodii, lix ninoo uu dhaawacay qaantoodii, dad lacago ku sheegtayna waa laga baxshay.

Ninkaan tolka wuxuu geliyey labo dagaal oo uu sabab u ahaa oo ay isu geyntooda tolka kaga dhinteen 67 nin,178 nina ku dhaawacmeen oo labaataneeye ka mid ah hawlgab noqdeen, xoolo badana ku dhumeen, dad badan ala qexeen oo aanay qaarkood weli dib u soo noqon.

Intaa waxaa sii dheer magac-xumada uu tolka u soo jiiday iyo sida uu ummadda tolka u nacsiiyey.

Waxaas oo dhan waxaa ka daran oo aan tolku waligi ka soo waaqsanayn isku dirka iyo cuqdada uu tolka dhexdhigay ilaa xaalku gaarey in qaar badani wada hadli waayaan, kuwana magta ka goostaan tolka intiisa kale, dagaalkii la wada geli jireyna la isaga baxay.

Ninka kale waa nin shisheeye ah oo waliba reero tolka ay xarig ku joogsi leeyihiin ka dhashay, muddo 50 sano ahna ku dhex noolaa tolkaan laakiin 100% tolku wuu ka ammaan helay, waligiisna af iyo addin midna wax kuma yeelin.

Dhinaca kale waxtar aan la soo koobi karin oo dhinacyo badan leh ayuu tolka u geystay. Waxaa ka mid ah:

1- boqolaal arday ah oo uu kiciyey oo isugu jira kuwo uu Qur’aanka xafidsiiyey, kuwo uu iskuulka wax ku baray, qaar uu masaajida cilmiga ugu akhriyey.

2- rag uu xooleeyey ama uu reeraha la dhsiay, qaar uu dhaqaale ahaan gacan qabtay iwm.

3- mashaakil badan oo tolka dhexmaray oo uu gaar ahaan u xalliyey ama xalkeeda ka qaybqaatay.

4- cidda xidid buu la yahay oo dhawr gabdhood buu ka guursaday, si wacana wuu uga dhaqday oo nin gacal ah oo lugu soo hirto ayuu ahaa, wiilashiisana gabdho cidda ah ayuu u wada guuriyey. Tan kale gabdhihiisii oo dhan tolkaa ka guursaday, nin uu ku caawiyo maahee nin uu ku cusleeyeyna ma jiro.

5- intaa tolka dantiisa ayuu ka fakarayaa ama u taagan yahay, waxaadna mooddaa in aanu tol kale lahayn, mana uu oggola inuu tolki ama meel kale qabto.

Haddaba su’aashu waxay tahay labadaas nin keebaa tol ah, keebaase mudan inuu tolka matalo oo kursigooda ku fariisto, midkoodeese xaq u leh in la difaaco oo loo dhinto, keebaase dantoodu ku jirtaa?.

Gabagabadii Soomaaliyeey aynu kala barano cadowga iyo saaxiibka, sokeeyeha iyo shisheeyaha, cidda wax ina taraysa iyo cidda wax inoo dhimaysa, ka dibna aynu go’aan raganimo leh qaadano oo isu uruurino inta danta ummadda ka shaqaynaysa reerkay doonaan iyo deegankay doonaan ha ahaadeene; waayo dhab ahaan iyagaa tol iyo xigto isu ah ee nin ummadda adduun iyo aakhiraba dhaafsiinaya tol iyo ehel midna uma aha.

By. Sh. Axmed Cabdisamad


alwaqaar@hotmail.com

XIGASHO;-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip