Ciidamada dowladda oo howl gallo balaaran ka wada degmada Kaxda

0
Wednesday October 07, 2015 - 09:27:18 in Wararka by
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo howl gallo balaaran ka wada degmada Kaxda

    Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka howl gal ballaaran ka wada xaafadaha degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka howl gal ballaaran ka wada xaafadaha degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Howl galkan ayaa la sheegay inuu bilowday xalay saqdii dhexe, waxaana dadka deegaanka ku soo tooseen ciidamada oo hareereeyay xaafadaha, iyagoo mid mid u baaraya guryaha.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo kala duwan ay gudaha ugu jiraan xaafadaha degmada, iyagoo guryaha baaraya, waxaana la sheegay in dad badan ilaa iyo hada lagu qabtay.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay howl gallo ka waday duleedyada magaalada Muqdisho, iyadoo howl galkan uu la xiriiro xogo hey’adaha ammaanka heleen oo ku saabsan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen.

Labo habeen ka hor ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay howl gal lagu qab qabtay hub iyo dad ka sameeyeen deegaanada KM13 iyo Garasbaaley, waxaana saraakiisha hey’adaha ammaanka ay sheegeen in howl galadan ay qeyb ka yihiin sugida ammaanka caasimada iyo deegaanada u dhow dhow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip