Ireland Oo Si Kulul Uga Hadashay Awoodii DFS U Adeegsatay Musharaxiinta

0
Tuesday February 23, 2021 - 22:01:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ireland Oo Si Kulul Uga Hadashay Awoodii DFS U Adeegsatay Musharaxiinta

    Safiirka dowladda Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Amb. Byrne Naso ayaa si kulul uga hadashay rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta. Safiir A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka dowladda Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Amb. Byrne Naso ayaa si kulul uga hadashay rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta. Safiir Amb. Byrne Naso oo ka hadleysay kulankii Golaha Ammaanka xalay ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in waddooyinka Muqdisho laga maqlayay dhawaqa hub culus oo aan lagu rideyn Al-shabaab, isla markaana loo ridayay danno siyaasadeed. Dowladda Federaalka ayey ku eedeysay Byrne Naso inay Awoon Ciidan u adeegsatay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho oo ula jeeday banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta Madaxweynaha qaarkood oo la rasaaseeyay. "Waddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab,laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaasha"ayay tiri. Mar ay Byrne Naso la hadleysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa tiri "Wasiir, waxaan arkaa inuu shaashadda ka baxay, waxaan aaminsanahay inaad nala socoto. Wasiir, waxaan rabaa inaan tiraahdo waa idinku raacsan nahay in rabshadahan aan la aqbali karin. waxayna dhaawaceysaa nabada, amniga iyo xasiloonida dalkaaga, waxay halis gelineysaa dadka rayidka ah". Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Madaxda SOomaalida inay xal ka gaaran xaaladda cakiran ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khalalaaso iyo dib u dhac, lagana shaqeeyo nabadda .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip