Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Farriin U Diray Ciidanka Asluubta

0
Monday February 22, 2021 - 21:32:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Farriin U Diray Ciidanka Asluubta

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,sara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar. Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guurada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta u dabaal degaya sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay Markii la aas-aaskay Ciidanka, waxaana Munaasabad loo dhigi lahaa loo baajiyay sababo la xiriira Cudurka halista ah COVID-19.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip