Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay la dagaalameyso Ciidamada Britain ee Soomaaliya la keenayo
Ra’iisul Wasaaraha Brtain David Cameron ayaa todobaadkii hore ka sheegay magaalada New York inuu dalalka Koofurta Sudan iyo Soomaaliya Ciidamo gaaraya boqolaal, si ay uga qeyb qaataan howlaha xasiloonida iyo la dagaalanka Argagixisada.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ee Al-Andulus ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada Britain, hadi ay cagta soo dhigaan Soomaaliya.
"Ciidamada Ingiriiska hadii ay cagta soo dhigaan Soomaaliya, waxaan marsiin doonaan halkii ay mareen awoowayaashooda”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale waxaa uu xusay in meydadka Ingiriiska lagu arki doono goobaha dagaalka, hadii ay ku soo biiraan duulaanka Soomaaliya sida uu yiri.
"Al-Shabaab waxaa uga qorsheysan inay la dagaalanto Ciidamada Ingiriiska, markii horeba halkan waa joogeen, waxaana meydadkooda ku gowrici doonaa wadooyinka, waxaana laga daawan doonaa shaashadaha”ayuu mar kale yiri Cali Dheere.
Safiirka Britain u fadhisa Soomaaliya Hariet Mathews ayaa maalin ka hor sheegtay in Ciidamada Britain aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalada ama aanay ciidamada tagi doonin safafka hore ee dagaalka.
Si kastaba ha ahaatee qorshaha dowladda Britain ay ciidamo gaaraya ilaa 70 askari ugu soo direyso ayaa ah mid Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga taageerayaan howlaha lojistikada, caafimaadka, tababarka dhinaca milateriga iyo arrimo kale.
XIGASHO:-JOWHAR.COM
Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay la dagaalameyso Ciidamada Britain ee Soomaaliya la keenayo
Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay qorshaha dowladda Britain ay Ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, kuwaasoo tababari doona Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.