Farmaajo iyo Indhacadde – Faallo

0
Friday February 19, 2021 - 21:09:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Indhacadde – Faallo

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,




Haddii shaki uu kaaga jiray in Madaxweyne Farmaajo dowlad u yaqaan maleeshiyo beeleed hubkooda mar uun la soo bixi kara, isa su’aal saameynta dhoolatuskii Indhacadde ka sameeyay Daljirka Dahsoon xalay ku yeelan karo macnaha dowladnimada.

Indhacadde wuxuu sheegay in dowladi aysan ka jirin Soomaaliya. Qaar 2006dii Indhacadde u arkayay qabqable ayaa maanta u arka halyay cadaadis Farmaajo Xamar kaga cararo saari karo.



Madaxweyne Farmaajo waa inuu caddeeyo in Muqdisho weli qabqable magan u tahay iyo in kale.

"Muxuu Farmaajo uga lushaa Axmed Madoobe haddii Indhacadde weli awood qabqable ku leeyahay Muqdisho?” ayuu yiri qof Muqdisho ku sugan oo siyaasadda u kuurgala. Waa su’aal ku saabsan dhisidda hay’ado dowladeed.

Qabqable weli xoog buu Muqdisho ku leeyahay: Xubin maleeshiyo beeleed jiib gacmeed sita maanta.

Sir qarsoon ma aha in ciidammada amniga degmooyinku u abaabulan yihiin hab beeleed. Beesha Caalamku waxay maalgelisaa ciidammo markii la doono loo rogi karo maleeshiyo beeleed. Sidee dowlad Xamar ugu shaqeyn kartaa haddii siyaasiyiinta Xamar u yaqaan goofkoodii siyaasadeed si fudud u abaabuli karaan kacdoon lid ku ah dowladda?

Sidee murrashixiin uga aamusi karaan hadallada dowladnimo diidka ah ee Indhacadde? Ma cadda in, soddon sano kaddib, siyaasiyiinta isku suntay mucaarad ka fekereen waxa ka dhalan kara ku tiirsanaanta maleeshiyo beeleedyo suursan.

Kicin iyo abaabul: Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu reer Muqdisho ugu baaqay inay UNSOM eryaan haddii isbeddel dhaqan laga waayo.

Taa waxaa ka daran sida Cabdi Ismaaciil Samatar shalay ugu guubaabiyay dadka Muqdisho inay eryaan UNSOM haddii ay isbeddel la iman weyso. Wuxuu xusay kaalintuu ku lahaa dagaalladii dhexmarayay xoogaggii muqaawamada iyo ciidammada Itoobiya 2007-2009. Cabdi Samatar, oo bare juqraafiga dhiga ka ah Jaamacadda Minnesota, wuxuu ku baaqay in bannaanbaxyadu sii socdaan.

Si fudud ayuu barihii jaamacadeed ugu biiray xerta qabqable Indhacadde. Afwaranlenimadiisu waa suurtogal inay shaqadiisa galaafato hadduu raalligelin ka bixin waayo hanjabaadda uu u jeediyay xafiiska UNSOM oo uu madax ka yahay James Swan.

Isku soo duub, dib isu firfircooneysiita Jeneraal Indhacadde waa iinta dowladnimada Soomaaliya. Ma in qabqable Xamar uu dhoollatus ku sameeyo ayaa la doonayay markii ku meelgaarka laga baxayay?

W.Q. Aadan Xuseen (Abuu Raage)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip