Kenya oo Shaqaalaha UNHCR ku eedeysay iney Taageeraan Alshabaab
Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa ku eedeeyay shaqaalaha Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iney taageero ku siiyaan Alshabaab xeryaha dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee dunida oo qaxooti ku nool yahay.
Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in Shaqaalaha Qaramada
Midoobay ay howlo kala duwan ka sameeyaan xeryaha dhadhaab ee dalka
Kenya, waxayna u fududeeyaan Alshabaab iney dhaqdhaqaaq ka sameeyaan
xeryahaasi.
- See more at:
http://risaala.net/articles/28391/Kenya-oo-Shaqaalaha-UNHCR-ku-eedeysay-iney-Taageeraan-Alshabaab#sthash.ATlWcPEn.dpuf
Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada
Midoobay ee UNHCR ay xabsi ku muteysan doonaan taageerada tooska ah oo
ay siiyaan ciidamada Alshabaab iyo ku lug lahaanshaha qorshe weerar ka
dhaco dalka Kenya.
"Waxaan aad kaga walwalsanahay eedeynta shaqaalaha UNHCR shaqsiyaad
ka tirsan, kuwaasi oo fududeeyay dhaqdhaqaaqyo aragagixiso oo ka dhaca
gudaha Dalkanā€¯ayuu yiri wasiirka oo ka qeyb galayay shir ka dhacay dalka
Switezerland.
Xerada dhadhaab waa xerada ugu weyn ee qaxooti ku nool yahay oo ku
taala dalka Kenya, waxaana dadka ku nool lagu qiyaasay 350,000 oo
qaxooti, waxayna dadkaasi ku nool yihiin guryo cooshado ka sameysay oo
ku yaala meel 50 KM u jirta xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Dadkaasi ayaa badankood ka tagay dalka Soomaaliya xiliyadii
dagaalada ay ka dhacayeen waxaana kusii biiray qaxootiga Dhadhaab
Soomaali kale oo ka carartay Soomaaliya sanadkii 2011 oo abaaro ku
dhifteen dalka Soomaaliya, abaartaasi oo saameysay 11 Milyan oo ruux oo u
dhashay dalalka Kenya, Somalia iyo Ethiopia.
Hubkii loo adeegsaday weeraradii Jaamacada Gaarisa iyo dhismaha
Ganacsiga westgate ayuu sheegay wasiirka arimaha Gudaha Kenya in lagu
qariyay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.
Dhanka kale afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya Karin de Gruijl, ayaa
sheegay iney layaab ku noqotay hadalka kasoo yeeray wasiirka u hadlay
dowlada Kenya, wuxuuna sheegay in marnaba shaqaalaha UNHCR aysan ka
suurtoobin in sidaasi ay sameeyaan.
Kenya oo Shaqaalaha UNHCR ku eedeysay iney Taageeraan Alshabaab
Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa ku eedeeyay shaqaalaha Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iney taageero ku siiyaan Alshabaab xeryaha dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee dunida oo qaxooti ku nool yahay.