WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA OKTOOBAR 2015-KA

0
Wednesday October 07, 2015 - 08:25:45 in Wararka by
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA OKTOOBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO DHAGAX DHIGAY DAYACTIR LAGU SAMEYNAYO XARUNTA WASAARADDA SHAQADA Madaxweynaha dowladda Fedaralka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay dhagax dhigay xaruntii Wasaarad da shaqada iyo arimaha bulshada ee Soomaaliya, kaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO DHAGAX DHIGAY DAYACTIR LAGU SAMEYNAYO XARUNTA WASAARADDA SHAQADA Madaxweynaha dowladda Fedaralka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay dhagax dhigay xaruntii Wasaarad da shaqada iyo arimaha bulshada ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sameynayo dib u dhis, iyadoo munaasa badii dhagax dhigaay ka qeyb galeen Wasiirada Shaqada iyo howlaha guud, maamulka degmada Shangaani iyo xubno kale. Guddoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in dib u dhiska Hay’ad ha Dawladda ay qayb ka tahay dib u soo celinta bil icda magaalada iyo horumarka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sh. Cusmaan oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay inay tallaabo ku aaddan hufnaanta iyo Muumul wanaagga ay Xukuumadu ku talaabsatay.

Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimha bulshada Cabdiweli Ib raahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dib u dayactirka xarunta Wasaaradda Shaq ada ay qayb ka tahay soo celinta halkii laga maamulaayey shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxaamud oo dhagax dhigay dib u dayactirka xar unta Wasaaradda shaqada ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale ee Dawladda inay ku daysadaan mas’uuliyinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada oo hay’ad waliba ay dib u dayactirato xarunteeda, kana qayb qaadato mashruuca dhiso Dalkaada oo kaalin weyn ka qaadan kara dib u dhiska xarumaha dowladda.

Xarunta Wasaaradda Shaqada oo ku taala degmada Shangaani ayaa saameyn ku yeeshay bur burkii dalka, iyadoo muddo badan ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaasi oo dhawaan laga raray markii dowladdu ay u baahatay in loogu ade go bulshada.

HAY’ADDA NABAD SUGIDDA SOOMAALIYEED EE NISA OO KA HADASH AY XARIGA SAXAFIYIINTA TV-GA UNIVERSAL

Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliyeed NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay xarigii loo geystey agaasimaha xafiiska Bariga Afrika ee Universal iyo mid ka mid ah barnaamij soo saarayaasha taleefishinka Universal.

Warsaxaafadeedkan ayaa hay’ada NISA waxaay ku sheegtay in digniino hore loogu jeediyay taleefishinka Universal uuna ka dhagadaygay, waxana Hay’ada Nabadsugida ay sheegtay in warbaahinta qaar ay ka shaqeeyaan amni darro iyo inay tashwiish geliyaan hay’ado waxtaraya dalka.

Warsaxaafadeedka laguma sheegin tallaabada laga qaaddayo shaqaalaha ka tirsan Universal ee ku jira gacanta Hay’adda Nabadsugidda iyo in maxkamad la geynayaba.

HALKAAN KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA:-

1. Marka warbaahinteena qaar ay noqoto meel lagu baado hay’adaha dowldda, lagu sumcad dilo madaxda dastuuriga ah ee Dalka, lagu abuuro xasilooni darro Amni iyo mid siyaasadeed, lagu rajo tiro shacabka laguna hanjabiyo, ha is weydiinina saba bta Tallaabo sharci ah looga qaaday ee is weydiiya sababta ay falalkaas gurracan u geysanayaan.

2. Argagixisadu waa wadar nuuc, midda nafta goysa waxaa la mid ah midda maskaxda disha iyo midda sumcadda Qaran iyo mid qof ahaaneedba disha, intuba waa isku mid waxaana ka wa da ilaalinaa Qaranka.

3. Argagixisadu ma’aha kaligeed Khatarta koobaad ee Qara nkeena, waxaa jira Khataro kale oo dadkeena in badan aysan fahamsaneyn kana waxyeello badan Argagixsada aan Naqaan, Waxaana ka mid ah:- – kuwa nagu dhexjira ee hagaya cadowga, kaalmeynayana ama xariir isgaarsiineed iyo mid ganacsi kala dhaxeeyso argagixisada. – kuwa Hay’adaha iyo safaaradaha Ajnabiga ah sifo aan loogu dirsan uga daba wareegaaya, marin habaabinaya tashwiishna galinaya saaxiibo badan oo dalkeena wax tari lahaa. – kuwa qoraalada been abuurka ah ka gudbinaya Qarankeena una gudbinaya kuwa ku nool qoraalada dhaawa caya jiritaankeena iyo Qaranimadeena (Soomaali iyo Ajnabiba). intaas waxey la mid yihiin amaba ay ka daranyihiin Argagixisada aan naqaan, maxaa yeelay Argagixisada aan naqaan waxaa la ga yaabaa in ay dad yar ama goob kooban ay saameyso laakiin kuwaan kale waxey saameynayaan guud ahaan Umadnimade ena iyo Qaranimadeena, waana kuwo aan u daba joogno sida aan u dabajoogno Argagixsada aad taqaanaan.

4. Xarumaha warbaahineed ee Talaabada laga qaaday ma aha kuwo kaliya hal Barnaamij oo kabxay ayaga Talaabo looga qaaday ee waxaa jiray falal kale ee Gurracan oo ahaa musalsal oo ay horay ugu kaceen, iyadoona horay loo siiyay Digniino ah iney joojiyaan kana dhega adeegeen, waxaa ka mid ahaa:- wa rar been abuur ah oo laga faafiyay Hayadaha Dowladda, sida madaxda dalka ugu sareysa, Wasaaradda Gaashaandhiga, Was aaradda Amniga, Hayadaha Garsoorka, falalka kale ee Guracan oo ay ku kaceen waxaa kamid ah buunbuuninta Jabhadaha Hub eysan ee doonaya iney Qoriga ku wiiqaan dowladnimadeena, si doo kale waxey buunbuuniyeen Barobogandana u sameeyeen ururada Argagiixisada ah ee ummadnimadeena ka soo horjeeda, iyagoo ka dhaga adeegay Amar hore oo ka soo baxay Hay’ada ha Amniga oo ahaa inaan la buunbuunin Karin hadalada madax da Argagixisada.

5.Ugu danbeyn Dowladnimadu waa xishootaa, waa dulqaa dataa, waa digtaa, waana sugtaa, intaa qoladii garanweysa aya doo dhiiran ayeey Tallaabo sharci ah ka qaadaa, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo.

6.Dalkeenu maaha dal hada dhashay wuxuu leeyahay shuru uc iyo Taariikh soo jireen ah waxaan ku borineynaa dadka leh m eheradaha madaxa banana ee gaarka looleeyahay gaar ahaan warbaahinta in ay aqriyaan xeerka ciqaabta soomaaliyeed ee dalka u yaala si aysan u gelin faldanbiyeedyo sababa in lala tiigs ado sharciga mustaqbalkooda shaqana saameeya.Dhamaad.

MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE OO KU DHAWAAQAY HOWLGALLO KA DHAN AH AL SHABAAB

Sheekh Max’ed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha maamulka Gobollada dhexe ee Ahlusunna oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu wacad ku ma ray in maamulkiisa Howl gal ka dhan ah Al Shabaab uu ka billaabayo deega anno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Gobol lada dhexe ayaa qeexay in horay howl gallo ay uga sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al Shab ab, haatanna goordhow deegaanada ay ku sugan yihiin Xarakada Al Sahba ab ay ku qaadayaan Howlgal milatari si ay kaga saaraan waa sida hadalka uu u dhigaye.

Geesta kale Sheekh Max’ed Sha akir ayaa hoosta ka xariiqay in la isku halleyn karo ammaanka Magaalooy inka uu ka arrimiyo Maamulkooda ta asina ay ku timid dadaal uu sameey ay maamulkooda iyo iskaashi ay la yee sheen shacabka ku dhaqan Magaa looyinkaas.

Deegaanno iyo degmooyin dhaca Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka arrimiya maamulka Gobollada dhe xe ee Ahlusunna iyadoona ay xusid mudantahay in maamulkaas uu horay u shaaciyay in Howlgallo milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ay ka billaabayaan deegaanada ka baxsan gacantooda ee Al Shabaab ku sugan yihiin.

KULANKA WADAXAAJOODKA MOOSHINKA OO MAANTA KA FURMAYA MUQDISHO

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaw aari ayaa shalaysheegay in maanta uu furmi doono wa da xajood lagu xalinayo qodabadii ku xusna mooshinkii xubno ka tirsan baarl amaanka ay ka keeneen Madaxwayna ha dalka Mudane Xasan Sheekh Max amuud 12-ka August ee sanadkan.

Jawaari ayaa tilamamay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla marka ana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi in ay ka soo qa yb galaan, si looga xaajooda arinta mo oshinka. "Waxaan guud ahaan Umm adda Soomaaliyeed la wadaagayaa in maalinta beri ah oo ay tariiqdu ku be gan tahay 7 bisha Oktoobar uu maga laada Muqdisho ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana loo ga wada hadlayo qobadadii ku xus naa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan golaha shac abak Soomaaliyeed, waxaan ugu baa qayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka in ay ka soo qa yb galaan shirkaasi oo furmi doona 11;00 barqonimoxilliga magaaladda muqdisho”ayu yiri shalay Guddoomiye jawaari. Dhanaca kale Afhayeenka Ba arlamaanka Soomaaliya ayaa M/Muqdisho kulan gaar ah oo saaca do badan qaatay kula yeeshay Ergey ga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka ga wada hadleenadkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, is kaashi dhexmara Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee loo yaqaano Congress.

Ergayga dowladda Mareykanka u qa abilsan arrimaha SoomaaliyaMr Dav id ayaa xusay in dowladda Maraykan ku ay soo dhawaynayso horumarkawayn ee uu ku talaabsanayo dalka, isa goo intaa ku daray in Mareykanku ay taageeraysowax kasta oo Soomaali ya u horseedki karo horumar.

Md.Jawaari ayaa kaga mahaad celi yey dowladda Mareykanka sida wan aagsan ee ay gacan kaga gaysanayso sidii dowladda Soomaaliya ay caghee da isku taagi lahayd.

ARRIMO FULIYAHA MAREYKANKA EE SOO MAALIYA OO CAMBAAREE YAY XARIGA WARIYEYAASHA UNIVERSAL TV

Arrime fuliyaha Mareykanka u qaabi lsan Soomaaliya David H. Kaeuper ay aa cambaareey ay xariga wari ye yaa sha Telefishinka Un iversal TV iyo Xa fiiskii Telefi shin ka ee M/Muqdi sho. Qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku she eg ay inuu ka walaacsan yah ay xariga Wariye Cawil Dahir Salaad iyo Aga asimihii Bariga Afrika ee Telefishinka Universal C/llaahi Xirsi Ku lmiye.

Mr David H. Kaeuper ayaa ku baaq ay in la ixtiraatimo xoriyadda warbaah inta, waxaana uu dalbaday in la sii daa yo wariyeyaasha.

Dhinaca kale Ururka u dooda xuqu uqda wariyeyaasha ee CPJ ayaa cam baareeyay xariga Wariyeyaasha Univ ersal iyo shaqo joojinta lagu sameeyay xafiiska Telefishinka

Rhodes, ayaa ugu baaqay mas’uul iyiinta dowladda Soomaaliya inay jooji yaan dhibaateynta joogtada ah oo ay ku hayaan suxufiyiinta ayna ixtiraama an xorriyadda warbaahinta ee lagu qe exay dastuurka dalka.

Wariyeyaashan oo la xiray gelinkii dambe ee jimcihii ee taariikhdu aheyd 2-da October ayaa la sheegay in mud do 21 maalmood ay sii xirnaanayaan, isla markaana Maxkamad la horkeeni doono.

Xigasho jowhar.com

WASAARADDA A. GUDAHA OO SHEEGTAY IN DHOWAAN LA DHISAYO MAAMULKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soo-maaliya ayaa sheegtay in dhowaan la guda geli doo no how la ha maam ul u sa me ynta Gobollada Hiir aan iyo Shabeellaha Dhexe, kaa soo horay loogu heshiiyay in maamul loo sameeyo.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in Wasaara ddu ay dar dar gelin doonto howlaha maamul u sameynta labada gobol, isla markaana dhowaan la dhameystiri doono Guddigii farsamada.Howsha maamul dhisid da waxaa qaban doona guddi farsa mo oo madax bannaan oo ka imaanaya dad deggan labada gobol, hadda waxaa la is ku raacay tirada guddigan, waxa xiga waa in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya” ayuu yiri Agaasim aha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegya in howsha maamul u same-ynta labada Gobol la geli doono marka ay dib dalka ugu soo laabtaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gu-daha oo ku maqan magaalada New York.. "Howsha Wasaaradda u xilsa-aran ayaa ah dhameystirka maamull ada, Xukuumaddana waajib ayaa ka saaran sidii loo sameyn lahaa, howsha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/ Dhexe waxaa la guda galayaa marka ay yimaadaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadda ku maqan New York”ayuu yiri Agaas ime Cali Abtidoon Xalane.

Bishii Agosto ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska maamul u sameynta Goboll ada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana hakad ku yimid qorshihii Wa-saaradda ugu tala gashay howlaha maamul u sameynta labada gobol, ka-dib markii ay saameyn ku yeesheen mooshinkii laga keenay Madaxweyn-aha iyo arrimo kale oo ay ugu weyn-eyd qeybsiga xubnaha Guddiga fars-amada oo la isku khilaafay, halka lagu marti gelinayo shirka oo ay u wada bir tumanayaan Jowhar iyo Beledweyn.

SHIRKII BAARLAMAANNADA AFRIKA OO KA FURMAY MAGAALADA JOHANNE SBURG EE KOONFUR AFRIKA

Fadhiga koowaad ee kal fadhiga afaraad ee kulanka baarla maannada Afrika ee Pan Afrika ayaa ka fur may xaruntiisa ku taalla xaafada Midran ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kulankaan oo wax badan ka bedelaan fadhiyadiisii hore.Kalfadhigaan ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan xildhibaan nada baarlamaanka Pan Afrika, waxaa furay madaxweynaha dhawaan loo do ortay baarlamaanka Pan Afrika, Roger Nko do Dang. Sida caadada u ah fadhi kas ta oo furmaya waxaa furitaankiisa ka soo qayb gala mid ka mid ah madax da Afrika, waxaana fadhigaan lagu wa day inuu ka soo qayb galo madax we ynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, isa goo madaxweynuhu u soo wakii shay furitaanka kulanka wasiiradda arrim aha dibadda ee xukuumaddiisa, Maite Nkoana Mashabane.

Kulanka Pan Afrika ayaa dhan ka kale waxaa iyagana goob joog ah-aa mas'uuliyiin ka kala socday wad-damada iyo ururada Afrika oo uu ka mid ahaa xog hayaha sadexaad ee xagga siyaasadda ee safaaradda So-malia, Maxamuud Suudaani iyo dubl-amaasi kale oo ka socday waddamada ay xildhibaannadooda ka tirsan yihiin baarlamaanka Pan Afrika iyo xubno matalayay Midowga Yurub.

Wasiiradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika, Maite Nkoana Mash-abane oo ka hadashay qaar ka mid ah ajandayaasha fadhigaani looga hadli doono ayaa tilmaamtay wada xaajood-yada dunida iyo Qaramada Midoobay ay ugu jiraan sidii wax looga qaban la haa isbadalka cimilada adduunka inay waajib tahay inay Afrika qaybteeda ka qaadato maadaama ay arrintaani ka cabanayaan dalalka horumaray.

Mudane C/casiis C/llaahi Maxa-med (Xukun)oo ka mid ah xildhibaan nada baarlamaanka Soomaaliya u mat alayo baarlamaanka Pan Afrika oo faa hfaahin dheer ka bixiyay fadhiga uga furmay xaafadda Midran ee Magaala da Johannesburg ayaa sheegay kulan kaan looga hadli doono arrimo badan oo xagga ammaanka Afrika ah oo ay soo ifbaxayaan waddamada qaar qalalaaso hor leh iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarka iyo is dhex-galka shacabka Afrika, wuxuu intaa ku daray ka Soomaali ahaan inay soo bandhigayaan waxyaabaha dowladah aan uga aaddan iyo kuwa sida gaarka ahba uga quseeya ajandayaasha loo ga doodayo fahiga koowaad ee kal-fadhiga afaraad ee baarlamaanka Pan Afrika.

Ugu dambeyn, mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya u matala baarlamaanka Pan Afrika oo ah shan xub nood oo uu soo xaadiray hal xildh-ibaan ayaa la filayaa in afarta xildh-ibaan ee kale ay maalmaha soo socda soo gaaraan xarunta baarlamaanka Pan Afrika. Fadhigaan oo socon doo na mudo labo isbuuc ah loogana arrin san doono arrimo ay ka mid yihiin ta marta qorraxda sidii looga faa'iidey-san lahaa, isbadalka cimilada, horum-arinta haweenka, sidii Afrika loo gaa rsiin lahaa inay yeelato hal cod noqo tana hal qaran iyo doodo ku saabsan dhibaateyntii ay dadka Koonfur Afrika anka ahi u geysteen dadyowga Afrika anka ah.

AL SHABAAB OO DAD KU XIR XIRAY DEE GAANKA CAMAARA EE GOBOLKA MUDUG

Sida ay sheegayaan wararka in aga soo gaaraya deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug,ayaa shee gaya in Shabaab ay habeen hore deeg aankaasi ku xir xireen dad ka mid ah aa dadka deegaanka Camaara.

Dadkaan ay Shabaab xireen, ayaa waxaa ku jiray nin ganacsade ah oo ca an ka ahaa deegaanka, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Axmed, waxa ana Shabaab ay ku eedeynayaan nin kaan inuu allaab ganacsi ka keenay Magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa wa xa ay xireen saddex ruux oo kale, ku waasi oo ay ku eedee yeen inay xiriir la leeyihiin Maamulka Galmudug, xilli Shabaab ay si aad ah u koontaroolayaan dhaq dhaqaaqa dadka deega-anka.Wararka waxa ay sheegayaan in Afartaan ruux ay gacanta ugu jiraan Shabaab oo habeen horela xiray, ilaa haddana ay xiran yihiin, iyadoo arintan aysan jirin cid Shaba ab kala hada shay, maadaama dadka deegaanka ay ka baqanayaan Shabaabka Deegaan ka Ca maara ku sugan.

Wararka waxa ay intaasi ku daray aan in dadka deegaanka oo ka caroo day tallaabada Shabaab ay ku qab sadeen deegaanka Camaara inay wad aan dhaq-dhaqaaq hoose oo ku aadd an sidii Shab aabka qabsaday dee-gaa nkan ay isaga dul qaadi lahaayeen, inkastoo awood ahaan aysan u babac dhigi karin Shabaabka.

Maamulka Galmudug oo Dorraad shir deg deg ah ka yeeshay Shabaab ka ku sugan deegaanka Camaara ay aa sheegay inay bilaabayaan qorshe Shabaab halkaasi looga saarayo.

Ururka Al Shabaab ayaa doonaya inay isku fidiyaan deeganada Mudug, waxaana Shabaabka ay hadda doona yaan inay qabsadaan Deegaanka Bac aadweyn oo ku dhaw Deegaanka Ca maara ee Gobolka Mudug.

QARAXYO AY KU DHINTEEN DAD GAA RAYA 60 RUUX OO KA DHACAY DALKA CIRAAQ

Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalooyin ka mid ah dalka Ciraaq, ayaa waxaa ku geeriy-ooday dad gaaraya 60-ruux oo dha-maantood u badnaa dad shacab ah oo goobaha qaraxyada ay ka dhaceen ku sugnaa.

Gobolka lagu magacaabo Diyala ee dhanka Bari dalka Ciraaq ku yaallo, wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan qarax ka dhacay wado dadka ay ku badan yihiin oo mashquul kali ah inay ku dhinteen dad gaaraya 40-ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo shacab ah.

Dhaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalada caafimaadka, oo lagu dabiibayaa, waxaana wararka ay sheegayaan dhaawacyada qaarkood inay yihiin kuwa aad u liita.

Weerar kale oo qarax ah ayaa isagana wuxuu ka dhacay magaalo ku dhaw Magaalada lagu magacaabo Basra, halkaasi dad ayaa ku geeriyood ay, Magaaladan inta badan looga bar an rabsha daha ka socda dalka Ciraaq.

Wado ku dhaw halka lagu magacaabo All-Zubair ayaa qarax ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 10-ruux sida uu xaqiijiyay Sarkaal goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa.

Qaraxyadan masuuliyadooda waxaa sheegtay Kooxda Islaamiga ee Daacish, oo ku faanay in ay ka dambeeyeen masuuliyada qaraxyadan.

Magaalada Baqdaadna, Boolisku waxay sheegayaan in gaari waxyaab aha qarxa waday uu 13 qof ku dilay xaafadda Xuseeyniya.

CIIDANKA BADDA MAAMULKA PUNTLAND OO U XUSAY SANAD-GUURADII 5-AAD EE AAS-AASKOODA ..

Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa u dabaaldagay sannadguuradii shanaad ee kasoo war eegtay markii la aasaasay, ka dib xaflad ka dhacday xarunta ciidankan ay ku leeyihiin degmada Boosaaso.

Xaflada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sariikiisha ciidanka badda Puntland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, guddoomiyaha baarlamaanka, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso, madax ka socotay dowladda Imaaraatka Carabta iyo marti sharaf kale,iyadoo ciidamadu ay soo ban dhigeen gaaddo ka ciyaar iyo dhoollatus.

Waxaa goobta hadallo ka jeediyay saraakiisha ciidanka badda Puntland iyo mas’uuliyiintii kale ee ku sug nayd xafladda, waxayna inta badan khudbadahaas ku saabsanaayeen wax qabadkii ciida mada iyo ujeeddada loo dhisay markii hore, waxayna hambalyo u direen ciidamada ilaalada xeebaha Puntland.

Saraakiisha iyo madaxdii kasoo qayb gashay dabaal dega ayaa ciidamada ku ammaanay haw sha ay u hay aan dadkooda iyo dalkooda, isla mar kaana salaan sharaf ka gudoomay.

Intii ay socotaya xafladda ayaa lagu soo bandhigay gawaarida kala du wan ee ay isticmaalaan ciidamada, gaar ahaan kuwa nooca dagaalka ah ee loo isticmaalo badda iyo berriga.

Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan oo ah taliyaha ciidamada badda Puntland oo goobta ka had lay ayaa sheegay in sababtii loo asaasay ciidanka ay ahayd in laladagaallamo burcadba deeda iyo sidoo kale dib u soo noolayn ta sharciga xeebaha Soomaaliya, iya doon guulo fara badan laga gaaray.

Dhanka kale Axmad Saciid Qolombe oo ah agaasmie ku xigeenka ciidanka badda Puntland oo isna ka had lay madasha ayaa u hambalyeeyey cii damada badda Puntland, isla markaa na goobta si muuqaal ah ugu soo ban dhigay wax qabadka ciidamada.

Ugu dambeyn, Wasiirka dekada ha, gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcadbadeedda Punt land, Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo guddoomiyaha ba arlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay xaflada ayaa sheegay inay ciida mada badda yihiin ciidanka kal iyah ee ka jira Soomaaliya, isla markaana taya dooda marka la eego ay u muuqdaan kuwa jiray san ado badan.

DOWLADDA KENYA OO WALAAC XOOG GAN KA MUUJISAY QORSHAHA DIB U CELINTA QOXOOTIGA SOOMAALIYEED

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa walaac ka muujiyay dib u celinta qoxootiga Soo-maaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku nool, isagoo sheegay in marka loo eego heshiiskii saddex geesoodka ah-aa ee dhexmaray dowladda Soomaal iya Kenya iyo UNHCR aan tiro badan oo qoxooti ah dib loogu celin dalkooda Somalia.

Mr.Nkaissery ayaa intaas ku da ray in dadka ku laabtay Soomaaliya ay aad u yar yihiin iyadoo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan ay tirade odu gaarayso 50,000 oo qof, kuwaa soo uu sheegay inay culeys ku yihiin dalkooda.

"Kuma Qanancsanin qaabka loo fuliyay heshiiskii aan wadagaar-nay bishii Abriil ee sannadkii hore 2014-kii, iyadoo aan wax badan lagu guuleysan in laga qabto xaaladda qox ootiga,” ayuu yiri Joseph Nkaissery.

Sidoo kale, Nkaissery ayaa xu-say in Kenya ay u aragto heshiiskaas mid muhiim u ah dib u celinta qoxoot iga Soomaaliyeed ee ku nool dhadh-aab, gaar ahaan ka hor doorashada ka dhacaysa Soomaaliya sannadka soo socda ee 2016-ka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ma qnaanshaha taageerada beesha caal amka ee dib u celinta qaxootiga uu ke enay inuu gaabis ku yimaado qorsh aha qaxootiga dib loogu celinayo Soo maaliya.

Joseph Nkaissery ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan qorshaha dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya; isagoo xusay in shir bishan ka dhici do ona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium looga hadli doono arr inta qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gu daha dalka Kenya ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha gar gaarku ay ka qayb qaataan dib u dejinta qoxo otiga Soomaalida loona sameeyo kaa bayaashii aasaaska u ahaa nolosha bani’aadamka.

Ugu dambeyn, wasiirku wxuu tilm aamay in Kenya uu waajib weyn ka sa aran yahay sidii ay u sii wadi lahayd mas’uuliyadda ka saaran qoxootiga; ayna kala shaqeyn doonaan saaxiiba-dooda caalamka sidii loo sii kordhin lahaa taageerada la siiyo qoxootiga.

Si kastaba ha ahaatee, qoxo-otiga Soomaaliyeed ee ku sugan Ken-ya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa nus malyuun qof; kuwaasoo qaarkood ku nolaa xeryahaas tan iyo markii ay Soomaaliya cagaha la gashay burbur ka iyo colaadaha sokeeye.

HOTEEL UU KU SUGNAA RA’IISUL WASAA RAHA DALKA YEMEN OO SAWAARIIQ LAGU GARAACAY & KHASAARO KA DHASHAY

Hoteel ay ku shaqeeyaan Ra’-iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xu bno ka mid ah Golahiisa Wasiirada ay aa lagu garaacay Sawaariiq ay soo ri deen Xoogaga Xuutiyiinta ee ka daga alamaya dalka Yemen.

Weerarkaasi waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa Hotelka ee ilaalada u ahaa Ra ’iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xub naha ka midka ah Golahiisa Was-iira da. Hoteelka weerarka lagu qaaday ayaa lagu magacaabaa Qasr oo ku ya allo caasimada dalka Yemen.

Ilaa 13 qof oo ciidan ah ayaa ku dhi ntay halka 9 kale ku dhaawacmeen Sa waariiq lagu garaacay xarunta ay ku shaqeyso Xukuumadda Yemen ee ma gaalada Cadan.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dhintay ahaayeen Yemen iyo Imaaraadkaisagoo intaa raaciyay in dhacdadan ay mas’uul ka yihiin Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salix.

Waxaa suuragal ah in Khasaaraha dhimashada uu intaasi ka bato, maada ama weerarka loo adeegsaday hub cu lus, sidoo kale waxaa la arkaayay Hoteelka oo qiiq uu ka baxaayo.

Lama sheegin ilaa hada masuuliyiin waxyeelo ay ka soo gaartay weerarka asi Sawaariiqda loo adeegsaday oo Xoogagga Xuutiyiinta ay ku qaadeen Hoteelka Qasr.

CIIDAMADA KA SOCDA DALKA INGIRIISKA OO DHAWAAN LAGU WADO INAY SOO GAARAAN MAGAALADA MUQDISHO

Waxaa lagu waramayaa inay magaalada Muqdisho dhawaan soo ga araan ciidamo ka socda dalka Ingiriis ka, iyadoo arintaan ay si buuxda u cad eysay Safaarada dalka Ingiriiska ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

British soldiers from B Company, 2 Mercian on an operation in Malgir, Hel mand.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Dan jire Harriet Mathews ayaa sheegtay in ciidamadaasi ka socda dalka UK inay u dhaxeeyaan tiradooda 70-ilaa 40 ay na caawin doonaan ciidamada howlga lka AMISOM iyo sidoo kale kuwa Dow ladda Federalka Soomaaliya.

"Ciidamadeenu waxay leeyihiin Ma ndate Sharciyad, waxay la shaq-eyn ayaan Ciidamada Qalabka sida iyo ku wa AMISOM ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxay sidoo kale gacan ka geysanayaan inay Soomaaliya ka tag eeraan dhinaca dhismaha Kaa-bayaa sha Dhaqaale iyo Bey’adda” ayay tiri Safiirka Britain Ee Soomaaliya.

Dhanka kale dalka Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo kala duw-an oo ka socda dalalka Afrika, inkas too ay joogaan dalka Saraakiil reer Gal beed oo caawimaad siisa ciidamada Dowladda.

HARRIET MATHEWS" CIIDAMADEENA WAXAY CIIDAMADA WADAJIRKA AH KA CAAWIN DOONAAN INAY DURJIYAAN AL-SHABAAB..”

Safiirka Britain ee Soomaaliya oo shir jaraa’id wariyaasha ugu qabatay Xarunta Safaarada UK ee Muqdisho ayaa ka hadashay arimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya, sida Ciidamada dowlada Ingriiiska ay usoo dirayso Soomaaliya, Taageerada So omaaliya ee Britain, Tababarada ciida mada dowlada Soomaaliya, iyo masha ariicda hormarineed.

Iyadoo dhawaan Ra’iisul wasaar aha Britain David Cameron uu ka hor ballan qaaday Qaramada Midoobe in ciidamo British ah loo soo diraayo So omaaliya ayey Harriet Mathews sheegt ay in ciidamadaasi aysan aadi doonin Aagaga dagaalka ee Al-shabab lagula dagaalamayo balse ujeedku uu yahay inay kaliya taageeraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada So-omaal iya.

" Ciidamadan waxay taagerayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Sooma aliya, ma aadi doonaan furimaha daga alka balse waxay ciidamada wadajirka ah ka caawin doonaan inay durjiyaan Al-shabab, ayna Lojistikada ka saaci daan ciidamada, tababarna ay u same eyaan” ayey tiri Safiirad Harriet Mat hews.

Waxay sidoo kale xustay safiir ada Ingiriiska ee Soomaaliya in mar walba dowlada UK ay garab taganta hay ciidamada Soomaaliya ayna had da wadaan tababarida Ciidamada Qar anka Soomaaliya iyo qalabeyntooda.

Arimaha ay shirkeyda Jaraa’id uga hadashay Safiirada waxaa ka mid ahaa xariga wariyaasha Universal TV ee Muqdisho, waxay sheegtay inay aad uga xuntahay xariga wariyaasha taasina aysan Soomaaliya ka gudb-inaynin muuqaal wanaagsan.

Safiirad Mathews ayaa tiri "Wax aan rajeynayaa in si deg-deg ah loo sii deyndoono wariyaashja xiran , xori yada safaarada waa aas-aas xaq ah”.

Mar ay ka hadleysay taageera da Britain ee Soomaaliya ayey xustay Mathews in UK ay tahay wadanka Sa daxaad ee dhaqaalaha ugu badan sii ya Soomaaliya islamarkaana sanadkii kaliya ay dowlada Ingiriisku siiso Soo maaliya wax ka badan 100 Million oo Euro.

Harriet Mathews aya xustay in Ingi riiska ay ka go’antahay taageerada So omaaliya isla markaana ay shaqaalee siiyeen 3-5 sano ee lasoo dhaafay in ka badan 30,000 oo Soomaali ah , Sanadaha soo socdana qorshohoodu uu yahay inay shaqo siiyaan 9,00 oo kale.

Dhanka kale mar ay ka hadleesay Mooshinka kadhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekhh Maxamuud ayey she egtay inuu Mooshinkaasi Qatar ku ya hay Doorashooyinka lafilayo in dalka ay kadhacaan sanadka 2016.

Ingiriisku waa wadanka kaliya ee reer Yurub ah oo safaarad iyo safiir joogta ah kuleh caasimada Sooma-aliya ee Muqdisho mudo 25 sano ah ka dib.

MAAMULKA G/ HIIRAAN OO BEENIYAY KHILAAF LA SHEEGAY IN UU U DHEXEEYO CIIDAMADA JABUUTI IYO KUWA ITOOBIYA

Guddoomiye ku xigeenka Arrim aha Bulshada G/Hiiraan Sheekh Xus een Cismaan Cali oo la hadlay Idaaca dda Shabelle ayaa beeniyay khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka ho wlgala Gobolkaas.

Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxay ay warar sheegaya in uu jiro khilaaf la xiriira hanaanka ay u soconayaan Howlgalladaasi ,iyadoona arrintaasi ay been abuur ku tilmaameen Masuul iyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.

"wada shaqeyn ayaa ka dhexeyso annagana wada shaqeyn ayaa labado oda nagala dhexeyso marka wararka meelaha la sheegaya waa kuwa wax ba kama jiraan ah” sidaas waxaa yiri Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddo omiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa im inka ka soconayo dhaq dhaqaaqyo mil atari kuwaas oo looga golleeyahay in Al Shabaab looga saaro deegaanada weli ku harsan gacan ku heyntooda.

Hayeeshee arrinta la xiriirta Khilaaf ka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabu uti ayaa aad waxaa u hadal haayay Warbaahinta.

GOBOL KU YAALO MAREYNKANKA OO LAGA SHARCIYEY IN BUKAAN KU IS DILI KARO

Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku biiray Gobolada kale ee ogolaaday in si sharci ah ay dhakhaatiirtu ugu fududayn karaan in nafta laga qaado bukaanka qaba xanuuno aan la dawaynkarin.Gudoomiyaha Gobolka California Ninka la yiraahdo Jerry Brown ayaa saxiixay sharcigaasi Isniintii la soo dhaafay.

Sharcigan waxaa dhiirigaliyay dhacdo la xiriirta haweenay qa btay xanuun aan la dawayn karin oo ku noolayd California oo aaday Oregon si ay si sharci ah isugu disho. 24 gobol oo dalka Maraykanka ku yaala ayaa sanadkan soo bandhigay sharciga dhigaya in qofka lagu caawiyo inuu dhinto,laakiin midkoodna ka ma dhaqan galin.

Dhaqdhaqaaqa xaqa uu qofku u leeyahay inuu dhinto ayaa ta ageero ka helay California ka dib markii Brittany Maynard, oo qa bta Kansar kuna noolayd gobolkaas ay u wareegtay Oregon si ay si sharci ah nafta isaga qaado,Qoyskeeda oo ay ka mid tahay hooyadeed Debbie Ziegler, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin sharcigaas cusub.

SADDEX QOF OO KU DHINTAY GOD CARRADA LAGA QODO OO KU SOO DUMAY DULEEDKA AFGOOYE

Saddex Qof ayaa ku dhintay God Carrada laga Qodo oo ku soo dumay Dad Qodayay carrada,degaan lagu Magacaab Labo Dhagax oo Duleedka ka ah Degmada Afgooye ee G/ Sh/Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in ilaa Saddex Qof ay ku dhinteen Godka Carrada laga qodo ee ku soo dumay,waxaana halkaasi laga qodaa Carrada loo yaqaano Dhoobeeyda oo ay dadkaasi iibsadaan.

Dadka Degaanka ayaa u gurmaday,Dadka ay Masiibadu hal kaa ku qabsaday,waxaana Ciidda hoosteeda laga soo saaray Meydadka saddex Ruux. Maamulka Degmada Afgooye oo aan la Xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan Raadinta Dad ku jira Godka dumay Nolol iyo Geeri intaba.

CULUMAA’UDIIN LAGU XIRXIREY MAGAALADA MANDHERA EE DALKA KENYA

Maxkamada magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa ama rtay in Booliska ka hortagga argagaxisada inay baaritaan ku sam eeyaan 12 wadaad oo ka mid ah culumaa’udiinka magaalada Mandhera.Culumadan ayaa la soo qabqabtay afartii bishan iya doo loogaga shakisan yahay in ay dhalinyarada u qorayeen urur ka Alshabaab. Booliska ka hortagga Argagaxisada ayaa ka cods aday maxamada inay u oggolaato in muddo 14 cisho baaritaan ku sameeyaan culumadan, hase ahaatee maxkamada ayaa ka diiday codsigaa iyadoo amartay in muddo shan cisho ah baari taankoodu lagu soo gabagabeeyo.

Culumadan la soo qabqabtay oo u badan dhaliyaro ayaa mag acyadooda lagu kala sheegay Yusuf Maalim Ahmed, Ahmed Sheikh Mohamed, Mohamed Hassan Osman, Abdi Mohamed Ah med, Abdiaziz Hassan Issack. Abdi Adan Elmi, Adan Ibrahim Iss ack, Osman Abdullahi Mude,Ahmed Abdi Mohamed, Ahmed No or Adan iyo Mohamed Ahmed Sheikh.

Sida ay daabacday jariirada Daily Nation raggan ayaa laga soo qabqabtay masjid ku yaal Hareri iyo sidoo kale duleedka magaalada Mandhera. Deegaanka Hareri ayaa waxa uu ku yaal Lafey oo ah mid ka mid ah meelaha uu ururka Alshabaab dha qdhaqaaqyada ka sameeyo.

Dowlada Kenya ayaa xirtey wadada isku xirta Mandheera io Lafey illaa Ceelwaq halkaa oo 28 ruux oo badankood ay ahaay een macalimin u socotay magaalada Nayoobi ay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ku dileen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip