Qofna marka la ammaanayo iskama celiyo,qofna marka la ammaanayo wuu iska celiyaa,qofkee baad noqon lahayd,bal labadan wadaad ila arag?

0
Saturday March 26, 2016 - 11:52:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qofna marka la ammaanayo iskama celiyo,qofna marka la ammaanayo wuu iska celiyaa,qofkee baad noqon lahayd,bal labadan wadaad ila arag?

    Qaybta Kowaad Hadallada aan cinwaanka uga dhigaymowduuca maanta,waa arrimo aan maalin walba dhegaysano,maqalno,haddana aan waxba ka qabsan karin,kuwa is-ammaanayo ama la ammaanayo,waxaanu aragnaa iyagoo meel fagaaro ah soo istaagaya ama tvga ka hadl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta Kowaad Hadallada aan cinwaanka uga dhigaymowduuca maanta,waa arrimo aan maalin walba dhegaysano,maqalno,haddana aan waxba ka qabsan karin,kuwa is-ammaanayo ama la ammaanayo,waxaanu aragnaa iyagoo meel fagaaro ah soo istaagaya ama tvga ka hadlaya ama masaajidda ka hadlaya oo dadka u wacdinaya haddana is-ammaanaya ama la ammaanayo, qaarkood waxayba ka sheekeeyaan waalidkooda iyo xaasaskooda,dadkiina waxaa ka soo haray dhabanohays,qaarkood hoosta ayay ka qoslaan,madaddaalo ayayna ka dhigtaan,dadna waxayba u qaataan in kuwaasi is-ammaanaya ama la ammaanayo ay yihiin kuwo nafsadda ka jirran.
Ma filayo in uu jiroqof caqli leh oo saliim ah haddana is-ammaanaya ama raalli ka noqda in la ammaano,u fiirso qaarkood waxay sheegaan meelaha ay soo mareen iyo muxaadarooyinka ay ka soo jeediyeen,qaarkoodna waxay soo bandhigaan waxa ay soo barteen iyo darajada ay haystaan iyo howlaha ay soo qabteen,dadkana waxay u sheegaan in ay aqoon leeyihiin oo ay wax garanayaan,ama si toos ah ha u sheegeen ama si dadbanba ha u sheegeene,dadka dhegaysanaayana waxayba u haystaan in ay yihiin dad caamo ah oo aan waxba kala garanayn, nebi Muuse caleyhissalaam isagoo u khudbeynayay reer banii Isra’el,ayaa la weydiiyay:dadka yaa u cilmi leh?,wuxuu ku jawaabay:aniga,Rabbi ayaa markaasi ku canaantay arrinkaasi, maxaa yeelay waxay ahayd in cilmiga uu Rabbi u celiyo,xadiisku wuu dheer yahay,wuxuu ku yaala saxiixul Bukhaari lambarada 122,3401,4725,4726 iyo 4727 iyo saxiixu Muslim lambar 2380,waxaana soo weriyay Ubaya bin Kacb Allaha ka raalli noqdee.

Nin ayaa u soo safrayimaam Maalik,wuxuuna weydiiyay afartan mas’alo,wuxuuna ka jawaabay afar,lix iyo soddona wuxuu ku jawaabay Allaahu aclam (Rabbi baa og),ninkii ayaa markaasi yiri:adigoo ah Maalik bin Anas,baladkii aan degganaa ayaan kaaga soo safray, waxaadna leedahay:Allaahu aclam,maxaan u sheegaya dadkii aan ka imid,markaan ku laabto? wuxuu imaamku yiri:waxaad ku leedahay:Maalik wuxuu yiri:Allaahu aclam,hadalkan qiimaha leh,wuxuu ibnu CabdulBar ku soo naqliyay kitaabkiisa Attamhiid,nin ayaa imaam Maalik weydiiyay mas’alo,markaasuu imaamku codsaday in uu waqti siiyo si uu mas’alada u soo eego,ninkii su’aasha weydiiyay baa yiri:mas’aladu wey fududdahay,imaam Maalik ayaa ku jawaabay:cilmigu wax fudud ma laha,miyaadan maqal in uu Allah yiri:waxaanu kuugu dejinay hadal culus (suuradda Al-Muzzammil,aayad lambar 5).

Yuusuf Al-Qaradaawioo ka tirsan ducaadda kuna soo caan baxay barnaamijkii Ashariica wal xayaat oo axad walba laga sii deyn jiray tvga Aljaziira,imaamna ka ahaa masjid ku yaalo dalka Qadar,ayaad halkan hoose ku arkeysaa muxaadaro lagu soo dhoweynayay in uu aqriyo, intuusan muxaadarada bilaabin ayaa lix daqiiqo ku dhowaad,sheekha laga warbixinaayay, waxyaabaha lagu soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa:Fadiilatul callaama,Alustaad,aldoktoor, callaamatul casri,faqiihul ummah,sheekhudducaat iyo wax kaloo badan oo la mid ah,intaas la ammaanayay sheekhu wuu

aamusnaa,bal ila fiiriya.

https://www.youtube.com/watch?v=yweYXd0SjW8


Sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariisteoo ka tirsanaa ahlu cilmiga lana soo qaato fatwooyinkiisa,ayaa lagu soo dhoweynayay muxaadaro uu jeedin lahaa,ninkii soo dhoweynayay markuu yiri:sheekh Cuthaymeen cimrigiisa Allaha dheereeye,baa sheekhii ku daray oo yiri:oo camal saalix ah la socda,waa run muxuu taraya cimri dheer oo aan camal saalix ah la socon,haddana ninkii wuxuu rabay in uu meesha ka sheego waxqabadkii sheekha, wuxuuna yiri:sheekhu wuxuu xubin ka yahay guddiga culumada waaweyn,isagoo rabay in uu sii wado,ayuu sheekhii yiri:ku jooji meesha,markaasuu ninkii soo dhoweynayay yiri: walaalaha waxay doonayaan:in ay ogaadaan waxqabadkaaga,markaasuu sheekhu yiri:maya,ku jooji intaas,weriyihii wuxuu ku soo xiray:Allaha noogu anfaco:sheekha cilmigiisa ballaaran, markaasuu sheekhu ku daray oo uu yiri:Allaha ku anfaco kii sheegay iyo kii maqlayba.

Allaahu akbar,kaasaa la yiraahdaa tawaaduc,Allah yaa hadalkaasi dhegaysiya wadaaddadeena iyo kuwa calmaaniyiinta ahba,si ay ugu cibro qaataan,waxaana wadaaddadeena kula dardaaramaya in ay muxaadarooyinka ay soo jeedinayaan ay ka joojiyaan is-ammaanka,haddii la ammaanana in ay iska qabtaan,waa kan sheekh Cuthaymeen oo inta la ammaani rabay iska qabtay,halkan hoose riix kana dhegayso soo dhoweynta sheekha:

https://www.youtube.com/watch?v=eLPVdSw5Kqo

Waxaan rajeynaya inwadaaddadeena ay noqdaan kuwo dadka u soo bandhigaya wacdiga ay wadaan kuna koobnaadaan,Allah wuxuu yiri iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri,aqoonyahankeenana ay soo bandhigaan cilmiga ay hayaan iyagoo aan is bandhigeyn isna ammaaneyn,dadkana uma fadhiyaan in maantoo dhan ay dhegaystaan waxqabadkooda iyo faankooda.

Maanta dadkii wey baraarugeenwaxna wey barteen,ma jecla kan is-ammaanayo mana jecla kan la ammaanayo,waxayse doonayaan qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallama.

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Haddii Allah idmo,waa inoo markale iyo qaybtii labaad ee ku saabsan faanka iyo isbandhigidda

Den Haag/Holland

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip