Madaxweynaha Iran: Trump Waxaa uu ahaa Mid Dulmi Badan

0
Wednesday January 20, 2021 - 22:35:12 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iran: Trump Waxaa uu ahaa Mid Dulmi Badan

    Madaxweynaha Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in maanta ay tahay dhammaadka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka, Donald Trump, isagoo ku tilmaamay Trump "Daalim". Ruuxaani ayaa u rajeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in maanta ay tahay dhammaadka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka, Donald Trump, isagoo ku tilmaamay Trump "Daalim". Ruuxaani ayaa u rajeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, inuu ku laabto heshiiskii nukliyeerka. Madaxweynaha Iran wuxuu yiri, "Maanta waa dhammaadkii Trump, dulmigiiisa, iyo maamulkiisii ​​xumaa," wuxu sii raaciyay "Trump wuxuu ahaa argagixiso doqon ah, maantana waa maalintii ugu dambeysay noloshiisa siyaasadeed." Madaxweynaha Iran wuxuu intaas ku daray, "Waxaan rajeyneynaa in maamulka Biden uu ku laaban doono qaraarka 2231 ee heshiiska nukliyeerka. Rouhani ayaa sidoo kale tilmaamay in "maalinta caleema saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka, uu trump Washington ka dhigay xero milatari wuxuuna caddeeyay in arintani ay ka dhalatay ficilada Trump.".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip