Trump oo Xayiraad Ku Macsalaameeyay Saraakiil Reer Tanzania ah
Mareykanka ayaa xayiraad dhanka safarka ah ku soo rogtay saraakiil reer Tanzania ah oo aan magacyadooda la shaacinin, kuwaasi oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen minjaxaabinta doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday bishii October ee sanadkii tagay.
Mike Pompeo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykan ee xilka ka sii dagaya ayaa sheegay in saraakiishan ay minjaxaabiyeen geeddi socodkii doorashada dalkaas islamarkana ay marin habaabiyeen dimuqradiyadda Tanzania.
Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dowladda Tanzaniya oo arrinkan ku aaddan.
Pompeo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in hagardaamaynta Siyaasiyiinta mucaaradka,suxufiyiinta iyo carqaladeynta internat-ka ee Ciidamada ammaanka ee dalkaas ay ka dhigeen doorashooyinka Tanzania mid aan xalaal ahayn.
Wuxuu cadeeyey in mucaariadka, korjoogayaasha iyo ururrada bulshadu in ay soo wariyeen in xilligii dorashada iyo kaddibba ay dhaceen xadgudbyo iyo ficilo ka dhan Xuquuqda aadanaha.
Pompeo ayaa intaa raaciyay in mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ay dareemayeen baqdin isagoo ugu baaqay dawladda Tanzania in ay wax ka bedesho sida ay haatan wax u waddo.
Guddiga doorashada Tanzaniya ayaa sheegay dhankooda in doorashada Madaxweyne Megafuli ku helay 80% ay ahayd mid u dhacday si hufan.
Baaqa Pompeo ayaa ku soo beegmaya xilli ay saacado kooban ka harsanyihiin muddo xileedka maamulka madaxwayne Trump oo uu ka tirsanaa isla markaana diiday in uu hhoggansamo natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhawaan lagaga adkaaday.