Afar qodob oo xal u noqon kara is-mari waaga ka taagan doorashada oo lasoo jeediyey

0
Wednesday January 20, 2021 - 22:30:59 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar qodob oo xal u noqon kara is-mari waaga ka taagan doorashada oo lasoo jeediyey

    Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan doorashada Soomaaliya. Prof. Samatar ayaa ugu horreyn ku tilmaamay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan doorashada Soomaaliya. Prof. Samatar ayaa ugu horreyn ku tilmaamay xaaladda ay ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka inaan wax guul ah lagu gaari karin, isagoo sheegay inay ku jiraan xaalad isbar-bar yaac ah . Samatar ayaa musharixiinta mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan hadba meesha ay u ordayaan isla markaasna ay muujiyaan tanaasul, kuna heshiiyaan mabd'a iyo hal murashax, haddii taasi la waayana ay fursad siin doonaan cidda kasoo horjeeda. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid rajo-beel ku riday dalka iyo dadka Soomaaliyeed. "Farmaajo wax rajo ah ma keenin, mana soo kordhin, intii uu joogay Al-shabaab lama weerarin, dhaqaale kobac ma jirin, magaalada waa kala xidhneyd, rajo kalena kama soo socoto, oo albaabkiisu waa xirmay," ayuu yiri Prof. Samatar. Ugu dambeyntii waxaa uu soojeediyey ilaa 4 qodob oo doorasho lagu gaari karo, loogana bixi karo ismari waagan, kuwaas oo kala ah: Reer waqooyi in waxooga loo madax banneeyo, Maamul goboleedyada in isku mid loola dhaqmo, iyaguna u haqmaan iney isku mid yihiin. Guddiga doorashada dadban waa iney madax bannaanaadaan Beesha caalamka in aan loo baahneyn, oo Soomaalida dhexdooda dhameystaan, waa haddii dalka iyo dadka ay dan ka leeyihiin. 19 maalin ayaa ka hartay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaas ay tahay waxaa fashilmay dhammaan jadwaladii doorashada ee guddigii doorashada ee lagu muransanaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip