Kulan Beeleed ay Yeelatay jaaliyadda Beesha Weceysle ee Gothenberg Sweden+Swairo

0
Wednesday October 07, 2015 - 00:42:41 in Wararka by
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Beeleed ay Yeelatay jaaliyadda Beesha Weceysle ee Gothenberg Sweden+Swairo

    Waxaa taariikhdu markii ay ahayd 4.10.2015 kulan wada tashi ah isugu yimid jaaliyadda wacaysle ee ku nool magaalada gothenborg ee dalka swedhen, kulankaas oo laaga hadlaayey horumarka ka socda dalka iyo sidii ay beeshu uga qayb qaadan lahayd howlaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa taariikhdu markii ay ahayd 4.10.2015 kulan wada tashi ah isugu yimid jaaliyadda wacaysle ee ku nool magaalada gothenborg ee dalka swedhen, kulankaas oo laaga hadlaayey horumarka ka socda dalka iyo sidii ay beeshu uga qayb qaadan lahayd howlaha ka socda dalka iyo deegaanka ay beeshu degto. Waxaa kulankaas ka hadlay xubno dhawaan ka soo laabtay dalkii kuwaas oo cadeeyey horumarka ay ku talaabsatay dowladda haddii ay ahaan lahayd sugidda amniga dalka,Dib u Heshiisiinta,dib u howlgalinta howlihii adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo habsami u qabadka howlaha dowladda, howlaha dhismaha maamul goboleedka dalka ee hadda maraya gabgabo, kasbashada kalsoonida shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalanka, Xubnahaasi waxay kaloo halkaas cadeeyeen muhiimadda ay leedahay in la taageero dowladda.

Waxaa kaloo kulankaas ka soo jeediyey taariikhda beesha wacaysle ee ku nool magaaladaan guddiga odayaasha beesha waxayna sheegeen in beeshu ay xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan uu kala dhexeeyo jaaliyada soomaalieed iyo kuwa ajaaniibta ah ee ku nool magaaladaan.

Fikrad isweeydaarsi, dood iyo falanqayn ka dib Xubnihii kulankaas joogay waxay si wadajir ah ugu mahad celiyeen guddigii odayaasha beesha howlhii ay qabtaan taasoo laga arki karo wada shaqeynta iyo xiiriirka ay beeshu ku dhex leedahay soomalida kale iyo ajaaniibta ku nool magaaladaan.

Gabagabadhii beeshu waxay isku raacday arimaha hoos ku qoran

1.In la garab istaago guddiga odoyaasha beesha ee magaaladaan, loogana dambeeyo howlaha ay beesha u hayaan, horayna ugu soo qabteen.

2.IN laga shaqeeyo ,Lana taageero midnimada iyo danta guud ee soomaaliya sidii horay loogu wiqiin beesha.

3.In Gacan la geeysto howlaha dib u dhiska dalka heer qaran iyo heer deegaanba.

4.In la hormariyo xiriirka iyo wada shaqeynta jaaliyadaha soomaaliyeed iyo kuwa ee ajaaniibta ee ku nool magaaladaan.

unnamedunnamed (3)DSC03888_1 unnamed (1) unnamed (2)goteborg_waceeysle_1 goteborg_waceeysle_2 goteborg_waceeysle_3 goteborg_waceeysle_4

SOOMAALIYA HA NOOLAATO:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip