Muwaadin Kenyan ah oo lacag malaayiin ah ka dhacay dagaalyahanada Al-Shabaab

0
Monday January 18, 2021 - 23:16:45 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Kenyan ah oo lacag malaayiin ah ka dhacay dagaalyahanada Al-Shabaab

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Eedeysane Lawrence Kirago Mugandy ayaa qirtay inuu lacago malaayiin shillinka Kenya ah kasoo dhacay dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, wakhtina uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Muwaadinkaan reer Kenya ayaa Booliska Kenya ka hor qirtay, wuxuuna madax ka ahaa shirkad lacagaha been abuurka ah sameysa ee ku taalla gudaha Kenya, isbuucii lasoo dhaafay ayey warbaahinta sheegeen inuu u gacan galay Booliiska.

David Nagundi oo ah taliyaha booliska gobolka Meeru ee dhaca koonfurta Kenya ayaa sheegay in muwaadinkaan uu lacago badan kasoo dhacay Al-Shabaab, waxaana qadarkaas marka doolar loo badalo lagu sheegay in ka badan $180,000 (Boqol iyo Sideetan Kun oo Doolar).

Wuxuu kaloo qirtay inuu gudaha Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2018, kalana maareyn jiray lacagaha ay Al-Shabaab madax furashada uga qaataan dadka ay kasoo afduubtaan gudaha Kenya.

 

Si kastaba Lawrence Kirago Mugandy wuxuu wajahayaa maxkamad iyadoo la sugi doono waxa uu xukunkiisa noqdo.

Muwaadin Kenyan ah oo lacag malaayiin ah ka dhacay dagaalyahanada Al-Shabaab


XIGASHO:CAASIMADDA.NET
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip