GUULEED: "Waa qiyaano qaran haddii ay dowladda ku kacday arrinta loo haysto"

0
Monday January 18, 2021 - 21:04:21 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUULEED: "Waa qiyaano qaran haddii ay dowladda ku kacday arrinta loo haysto"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa isi-soo taraya siyaasiyiinta ka fal-celinaya wararka sheegaya in askar Soomaaliyeed lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana arrintaas hadii ay jirto qiyaano Qaran ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri, "Wararka la xiriira in askar Dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya halkaana in badan lagu xasuuqay, waa war hadduu sugnaado aad u culus, xanuun badan, anfariirleh, oo abuuri kara mowjado culus oo dalka dhexdiisa ah. Waa arrin nooga baahan baaris,dabagal dheeri ah iyo hubin.”

Cabdikariin ayaa sheegay in waalidiin badan oo caruuri ka maqantahay ay lasoo xiriireen, isagoo yiri, "Ilo dhinaca Itoobiya ah ayaa sidoo kale arrinta xoojinaya, laakiin culeeska ay arrintani leedahay darteed waxaan ku daba jirnaa in aan helno raqda iyo ruuxdii dhallinyaradaas habeenka madow laga daad gureeyay dalkooda, ayagoo hamigoodu ahaa inay dalkooda difaacaan.”

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in hadii ay cadaato arrintan ah in dagaalkii Itoobiya la geliyey dhallinyaro Soomaaliyeed ay tahay qiyaano Qaran oo weyn, taas oo uu sheegay inay ka cuslaa doonto wax walba oo ay dowladda Farmaajo ay ku kacday intii ay xilka heysay, waxeyna u baahan doontaa isla xisaabtan culus oo deg deg ah, sida uu hadalka u dhigay Cabdikariin.

 

"Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaya in aaney arrintani cadeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore. Waa iney u jawaabaan waalidka caruurtoodii maqantahay oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la dardaarmay waalidinta Soomaaliyeed ayaa yiri, "Waalidiinta walaacsan waxaan ugu baaqaya iney is dajiyaan, oo si miir qableh aan carruurta u wada raadino. Sidoo kale dhinacyada siyaasaddu waa iney u istagaan hawshaan oo aan la sahashan.”

GUULEED:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip