Taliye Ka Tirsan DF Oo U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Lala Eegtay

0
Monday January 18, 2021 - 21:01:30 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ka Tirsan DF Oo U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Lala Eegtay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Taliyihii Ururka qeybta 43-aad Guutada-10aad-Ururka-49 ee Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmo kahor dhaawac Culus soo gaaray ayaa goordhow u geeriyooday dhaawacii gaaray.

Taliye Maxamed Dheere ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo Al-shabaab ay kula eegteen deegaan ku yaalla duleedka degmada Baardheere, xili uu doonayay inuu gurmad u sameeyo Ciidamo ka tirsan dowladda oo Al-shabaab weerar ku qaadeen.

     Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa sheegay in Taliye Maxamed Dheere uu ku geeriyooday Isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho oo markii horey loogu soo qaaday in lagu daaweyo, maadaama waxyeelado darran ay kasoo gaartay Madaxa.

Marxuum Maxamed Dheere iyo Ciidamo la socday ayaa gurmad ahaa ugu soo baxay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo Saldhig ay ku leeyihiin duleedka Baardheere ay weerar xoogan kusoo qaadeen Al-shabaab, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Saraakiisha dowladda ay sheegeen inay weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip