Dubbe Oo Shaaciyay Halka Uu Marayo Dhismaha Wadada Muqdisho Iyo Afgooye

0
Monday January 18, 2021 - 20:59:33 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dubbe Oo Shaaciyay Halka Uu Marayo Dhismaha Wadada Muqdisho Iyo Afgooye

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Maanta kormeer ku tegay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wasiir Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in ujeedka kormeerooda uu ahaa mid ay ku doonayeen inay ku ogaadan halka uu marayo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shaqo adeg ay ka socoto.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta in dhismaha wadada haatan uu marayo meel gaba-gabo ah, isla markaana laamaha la saarayo wadada uu Afgooye meel u jirta 2 KM uu ku egyahay, ayna weli socoto shaqada dhismaha, horeyna loo soo dhisay 25 KM.

       Wasiir Dubbe ayaa u mahadceliyay Qatar iyo Turkiga ee gacanta ku haaya dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye, wuxuuna caddeeyay in Injineerada dhisaya wadada ay u sheegeen in inta hartay Bil gudaheed lagu soo dhameynayo.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tabaran ee Haramcad G/le Dhexe Farxaan Maxamuud Aadan ayaa Wasiirka warbixin k asiiyey xaaladda amni iyo mida dhismo ee Wadada.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska Haramcad ee sugaya amniga wadada la dhisayo, isla markaana waxaa xusay in Ciidamo iyo Injineero ay naftooda ku waayeen dhismaha wadadaas, isagoo rajeeyay in si nabad ah lagu dhameyn doono dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip