Wariyayaasha Muqdisho Oo Maamulka Madaxweeyne Deni Ka Dalbaday In La Sii Dayo Wariye Kilwe

0
Monday January 18, 2021 - 22:04:22 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyayaasha Muqdisho Oo Maamulka Madaxweeyne Deni Ka Dalbaday In La Sii Dayo Wariye Kilwe

    Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada muqdisho ayaa isugu yimid kulan ay soo agaasimeen ururka suxufiyiinta soomaaliyeed ee SJS, kaas oo lagu dalbanayay in xoriyadiisa uu dib u helo wariye Kilwe Adan Faarax. Wariye Kilwe ayaa 21-maalin ka hor lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada muqdisho ayaa isugu yimid kulan ay soo agaasimeen ururka suxufiyiinta soomaaliyeed ee SJS, kaas oo lagu dalbanayay in xoriyadiisa uu dib u helo wariye Kilwe Adan Faarax. Wariye Kilwe ayaa 21-maalin ka hor lagu xiray magaalada Garowe isaga oo warbixin ka diyaariyay Isusoo bax shacabka magaalada ay mamulka madaxweeyne Deni kaga dalbanayan wax ka qabashada sicir bararka deeganada maamulkaas . Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS, Abdalla Ahmed muumin oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan sharci aheyd xarigga wariyaha . "Marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan tilmaamo sharci daro in ay tahay in 21-maalmood in qofka lagu haayo xabsi, isagoo aan heeysan qareen, isagoo aanan arkin qooyskiisa, isagoo anan ogeeyn in si dhab ah ama si sax ah eedeymaha loo heysto oo ay ku saleeysan tahay wax markaasi daliil ah oo cadeeyn ah ." "waxaan ognahay Kilwe in la xiray maalin kadib markii uu mudaharaad uu ka dhaca magaalada Garowe oo dad weeynaha ay uga cabanayeen arimaha ku saabsan Sicir Bararka , Taas oo ah Xuquuq dastuuri ah oo dadweeynaha in ay cabashadooda soo gudbiyaan ,wariyayaashuna ay soo bandhigaan cabsahada dad weeynaha. " "Waxaa layaab leh oo cajiib ah in 16- maalmood xabsi lagu hayay wararka qaar ee na soo garayayna ay tilmamayan in jirdil lagu sameyay kadib in la keenay eedeyn la sheegay maxkamadda meliteriga ee Puntland in ay soo jeedisay , eedeeyntaas oo aan qoraal ahaan lagu siinin Kilwe, qoyskiisana loo sheegin qareenkiisana aanan lala wadaagin sida uu sharciga dhigayo. " Dhanka kale suxufiyiintii banaan baxa ka soo qeeyb gashay ayaa madaxweeynaha Puntland iyo maamulkiisa ugu baaqay in si deg deg ah xabsiga looga sii daayo wariye Kilwe Aden Farax .

            





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip