Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
Monday January 18, 2021 - 22:00:42 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

    Banaanbaxa oo ay dhigayeen dad u badan Hooyooyin ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku dalbanayeen in Nolol ama geeri lagu keeno Carruurtooda oo dowladda Soomaaliya Tababar ugu qaaday dalka Ereteriya. Hooyooyinka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxa oo ay dhigayeen dad u badan Hooyooyin ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku dalbanayeen in Nolol ama geeri lagu keeno Carruurtooda oo dowladda Soomaaliya Tababar ugu qaaday dalka Ereteriya. Hooyooyinka ayaa waxaa ay socod ku mareen inta badan wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin Carruur ay dhaleen oo Tababar loogu qaaday dalka Ereteriya, xilli ay soo baxayaan in Dhalinyaro dowladda u qaaday Ereteriya ay ka qeyb galeen dagaalkii Gobolka Tigreega ee u dhaxeeyay Ciidamada Ereteriya oo taageerayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Ururka ONLF. Qaar kamid ah Hooyooyinka banaanbaxa dhigay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ka codsadeen Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug inay ka helaan xogta Carruurtooda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaalkii Gobolka Tigreega ay ku dhinteen Dhalinyaro Soomaali ah. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada lagu faafinayay inay jiraan qaar kamid dhalinyaradii tababar Ciidanimo loogu qaaday dalka Ererteriya ay ku dhinteen Gobolka Tigreega, kadib markii laga dagaal geliyay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip