Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada

0
Monday January 18, 2021 - 10:27:14 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada

    Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya ayaa waxaa la sheegay inay cadaadis ku saarayaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada inay ka heshiiyaan muranka kajira Arrimaha doorashooyinka. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya ayaa waxaa la sheegay inay cadaadis ku saarayaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada inay ka heshiiyaan muranka kajira Arrimaha doorashooyinka. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan uu la xiriiray Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, isaga oo ku baaqay inay ka heshiiyaan khilaafka doorashooyinka si ay u dhacaan doorashooyin la isku raacsan yahay. Todobaadkii hore ayaa Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan waxaa uu booqasho ku tegay Magaalada Baydhabo, isaga oo uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed dadaalkiisa ku aadan xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii ay kulmeen. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Beesha Caalamka ay doonayaan inay Shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada si ay uga heshiiyaan doorashada, balse Madaxda Dowladda aysan dooneyn in loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17-kii Bishii September lagu gaaray Magaalada Muqdisho Muran ka dhashay Guddiga doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka taagan dalka, iyada oo Midowga Musharixiinta iyo Xubnaha Mucaarad intooda badan ay kasoo horjeesteen Guddiyada doorashooyinka, iyaga oo sheegay inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Dowladda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip