Somaliland Oo Xirtay Haweeney Tacadi U Geysatay Gabar U Shaqeyneysay

0
Sunday January 17, 2021 - 18:31:11 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Xirtay Haweeney Tacadi U Geysatay Gabar U Shaqeyneysay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay xabsiga dhigay Haweeney baraha Bulshada ku faafisay muuqaal ay ka duubtay Gabar yar oo u shaqeyneysay, iyadoo si aan wanaagsaneyn ula dhaqantay gabadha yar.

             Ciidanka Booliska oo howlgal sameeyay ayaa markii dambe ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan haweeneyda oo lagu magacaabo Zamzam Ismaaciil Cartan, taasi oo muuqaal ka duubtay gabar yar oo u shaqeyneysay, una adeegsatay awood.

Muuqaalka laga duubay gabadha yar ayaa la arkayay Zamzam Ismaaciil oo gabadha ku qeylineysa, sidoo kalena ku cabsi gelineysa dacwad Maxkamad, waxaana muuqaalka gabadha uu siweyn maalmihii lasoo dhaafay u qabsaday baraha Bulshada.

      Dhanka kale Maamulka Bangiga Somaliland ayaa shaaciyey in uu shaqo siiyey gabdha-yar ee muuqaalka laga duubay iyada oo la maagayo, waxaana Qoraal kasoo baxay Bangiga lagu yiri.

"Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee SL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xiran calanka SL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar”.

            Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Bangiga ayaa lagu yiri "Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee Somaliland”






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip