Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ka Shiray La-Dagaalanka Al-Shabaab

0
Sunday January 17, 2021 - 18:27:52 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ka Shiray La-Dagaalanka Al-Shabaab

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sarreeyo Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirrow ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada 60-aad ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xaaladda Gobolka.

Taliye Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa xog-wareysi la yeeshay Saraakiisha Guutada 9-aad ee qeybta 60-aad, isla markaana waxaa uu kala hadlay la-dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalada socda.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa Saraakiisha uu la kulmay kula dardaar-may inay sii laba jibaaran howlgalada ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan, wuxuuna faray inay la shaqeeyan shacabka.

Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u saameeyay howlgalo ay Al-shabaab ugala wareegeen deegaano, waxaana dagaalo khasaaro geystay ay dhexmareen Ciidamada iyo Al-shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip