Sacuudiga oo dib safaaraddiisa uga furanaya Doha

0
Sunday January 17, 2021 - 17:23:05 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo dib safaaraddiisa uga furanaya Doha

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib Safaaradeeda uga furato magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan.

Heshiis dib loogu soo celinayay xiriirkii Qatar iyo afar dal ee carbeed Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ayaa soo afjaray khilaaf dalalkan u dhaxeeyay muddo saddex sano ah.

"Safaaradeena dib ayaa looga furi doonaa Doha maalmo gudahood, waxaan dhameystir doonaa arrimaha lagama maarmaanka ah”ayuu yiri Amiir Faisal.

Waxaa uu sheegay Boqortooyada si buuxda u soo celin doonto xiriirkii Qatar.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa shaaciyay inay u fureen Qatar xuduudii Badda, Cirka iyo dhulka ee ay saddex sano ka hor ka xirteen.

Sanadkii 2017 Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa Qatar u jaray xiriirka, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn iyo xayiraado dhinaca hawada, badda iyo dhulka, iyagoo ku eedeeyay inay la shaqeyso argagixisada iyo inay xiriir dhow la leedahay Iran, iyado dhammaan Qatar ay beenisay eedeymahaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip