Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la shiray wasiirada Hawiye

0
Saturday January 16, 2021 - 22:47:29 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la shiray wasiirada Hawiye

    Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa weli kulamo xal raadin ah ka wada magaalada Muqdisho. Kulamada oo ah kuwa is-daba joog ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan sidii looga gudbi lahaa marxaladda ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa weli kulamo xal raadin ah ka wada magaalada Muqdisho. Kulamada oo ah kuwa is-daba joog ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag ee kala guurka ah ee xilligan lagu jiro. Qoor Qoor & Cali Guudlaaawe ayaa saacadihii ugu dambeeyey gudaha caasimada kulan ballaaran kula yeeshay wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo sidoo kale wasiir dowlayaasha ugu jiro beelaha hawiye xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan ee u dhexeeya dowladda & mucaaradka. Sidoo kale dhinacyadaasi ayaa isla soo qaaday arrimaha ammaanka ee maamullada Galmudug & HirShabelle oo iyagu ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashada. Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday in la raadiyo xuquuqda gobolka Banaadir, iyada oo laga faa'iideysanayo marxaladda kala wareega ah ee lagu jiro. Galmudug & HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda federaalka, iyada oo la filayo inay gudaha galaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Si kastaba weli waxaa dalka ka taagan muran xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip