Guddiga loo xilsaaray dadkii lagu dilay duleedka Balanballe oo Warbixin soo saaray

0
Saturday January 16, 2021 - 22:25:46 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga loo xilsaaray dadkii lagu dilay duleedka Balanballe oo Warbixin soo saaray

    Guddiyadii labada ahaa ee loo xilsaaray dhacdadii deegaanka Xirsi Lugeey garabkii aaday dhanka Guriceel ayaa ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uga war bixiyay halka wax u marayaan. Wasiir Dowlaha Wasaarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiyadii labada ahaa ee loo xilsaaray dhacdadii deegaanka Xirsi Lugeey garabkii aaday dhanka Guriceel ayaa ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uga war bixiyay halka wax u marayaan. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug Axmad Xasan Cali ayaa sheegay kulamadii ay laqaateen wax garadka reer Guriceel ee uu ugu horeeyo Ugaaska in ay guul iyo isfahan ugu soo dhamaadeen. Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka degmada Guriceel ay la kulmeen ay u soo dhibeen farriin ah in Maamulka Galmudug uu waxka qabto dhibaatooyinka dilalka ah ee kusoo laab laabtay degaannada Galmudug. Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo todobaad ah kadib ay dib ugu laaban doonaan degmada Guriceel si Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka degmada ay ugala hadlaan xalka gaarista dhacdadii dadka Shacabka ahaa lagu dilay. Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo isna hadlay ayaa balan qaaday in ka Maamul ahaan inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay dilka dadka Shacabka ahaa si Cadaaladda loo horkeeno. Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo batay Colaad beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiilka, iyada oo ay ku guuldareesteen Madaxda Galmudug inay waxka qabtaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip