Laftagareen oo gaaray Xudur kuna baaqay gurmad deg deg ah

0
Saturday January 16, 2021 - 21:54:21 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftagareen oo gaaray Xudur kuna baaqay gurmad deg deg ah

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaarada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmada Xudur kusoo dhaweeyay, Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas. Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ayaa waxaa lagu sheegay ka jawaabida baahiyaha heysta Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo muddo ka badan 8 sano u go'doonsan Al-Shabaab. Socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ayaa waxaa uu ka dambeeyay, Kadib markii Bulshada Magaalada ay ka banaanbaxeen xaalado adag oo Magaalada kajira, taas oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo. Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo Warbaahinta la hadlay sheegay in Al-Shabaab ay dhamaan xireen wadooyinka soo gala degmada Xudur si ay u sii kordhiyaan cunaqabateyntii ay ku hayeen Shacabka degmada. Waxaa uu Sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gubeen 17 Gaari oo ay lahaayeen Ganacsatada degmada Xudur, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Hay'adaha gargaarka inay u soo gurmadaan Shacabka dhiban ee degmada Xudur. Bilihii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa culeys weyn saaray degmada Xudur, waxaana dhawaan ay gubeen dhowr Gawaari ah oo raashin u waday degmada, taas oo keentay in maciishada ay qaaliyoowdo, isla markaana Bulshada ay dareemeen dhibaatooyin culus.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip