HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 16-JANUARY-2021

0
Saturday January 16, 2021 - 10:36:42 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 16-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble "Garsoorku waa halbeegga isu-dheellitirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya..”

       Hadaljeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee Shir-sa nadeedka Garsoorka Waxaa Sharaf weyn ii ah in aan Shalay idinkala soo qeyb galo shir-sana deedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caq abadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

     Mudanaal iyo Marw ooyin,, Hufnaanta hannaanka Caddaalad da iyo sarreynta sharc igu waa tiirka ugu muhiimsan dowladnima da, waa aasaaska hour marka iyo waddada lagu gaari karo xasilloonida.

      Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xi riirka bulshada ka dhaxeeya, dhowrta xuquuqul iin saanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shac abku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin can shu ur tooda, looguna adeego si siman oo cad aalad leh.

    Waxaa xaqiiq ah in hannaanka Caddaaladdu aanu dhammeystirnayn inta laga soo dhisayo Guddiga Adeegga Garsoorka, annagoo ka du uleynana waxaan diyaarinnay aas-aaska Golaha Adeegga Garsoorka oo ka bilaabnayey in aan soo xulno 5tii Xubnood ee Xukuumaddu u gud bisay Golaha Baarlamaanka si ay u soo dha mmeystiraan.

     Marka uu soo dhammaado dhismaha Golaha adeegga garsoorka, waxaa fududaan doonta dhi sidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka, oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

    Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wan aagga dawladda iyo xaqiijinta cadaaladda.

     Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha sha cabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo sa ldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah:

      •  Heshiiska Qaramada Midoobay ee la daga alanka musuqmaasuqa,

     •    Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo

• Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqm aasuqa.

       Dhammaan tallaabooyinkaas waxaa barbar socday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay hannaanka Garsoorka dalka, saddaxdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo imtixaan daahfuran ay mar kii ugu horreysay garsooreyaal kaga mid noqdeen heerarka kala duwan ee Maxkamadaha heer Fe deraal iyo heer Gobol, imtixaankaas oo ay qaa deen khubaro ka tirsan bahda Garsoorka dalka, ayna hagayeen Guddoonka iyo Xubnaha Max kamadda Sare.

      Sidoo kale, waxaan kordhinnay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, annagoo joogteynay, korna u qaadnay xuquuqdooda si ay uga caaganaadaan laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,,

       Waxaan bogaadinayaa shaqada baaxadda leh ee Maxkamadaha iyo Xeerilaalintu ay ka hayaan socodsiinta iyo tayeynta hanaanka gars oorka dalka, taas oo muhiim u ah xaqiijinta cadaa ladda. Waxaa hubanti ah in isbeddel wanaagsan uu ka muuqdo howlaha Maxkamadaha Iyo xeerilaalinta dalka.

      Waxaan kula dardaarmayaa bahda cadaalad da oo horumarkoodu muuqdo, in ay musuqmaas uqa aad ka fogaadaan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladn imada dhisayey ee aydan noqon kuwii dumina yey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.

Mahadsanidin

Senator Farmaajo ku eedeeyey inuu Gedo iyo gobol kale u kala eexday

        Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Xoghayaha Guddiga dib u eegista Dastuurka lab ada Aqal BFS oo Shalay warbaahinta la hadlay

 

ayaa eedeymo culus u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

      Senator Xuseen ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inay ku fashilantay sugida amniga, isag oona ku eedeyay inuu ciidamo ku daabulayso deegaano aan looga baahneyn.

      Waxa uu xusay in ciidamada ay dowladda ku daabuleyso gobolka Gedo oo uu sheegay inay dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka leedahay, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan dhalisay.

        Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheeg ay in madaxweyne Farmaajo uusan si isku mid ah ugu cadaalad falin gobolada Bakool iyo Gedo, ka asi oo ay kasoo kala jeedaan Farmaajo iyo Sen ator-ku.

       "Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cada alad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo,” ayuu yiri isagoo sheegaya qaabka uu madaxweyne Farmaajo deegaankiisa wax ugu qabtay.

      "Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu da abulsyo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loo gu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka.”

      Sidoo kale waxa uu fariin cod dheer ugu diray in laga howl-galo go’doon ay Al-Shabaab gali yeen deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Gal beed, kuwaasi oo ay hagratay dowladda fed eraalka, sida uu hadalka u dhigay.

      Hadalka Senator-ka ayaa imanaya xili dowla dda federaalka ay muddooyinkii dambe ciidamo hor leh ka dejinaysay deegaano ay ka qabanayso doorasho lagu muransan yahay, iyada oo si gaar ah ciidamo faro badan ugu daabushay gobolka Gedo oo uu kasoo jeedo madaxweyne Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey muranka doorasha da iyo beesha caalamka oo la filayo in…

       Waxaa weli taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, ta asi oo mareysa meel xasaasiy ah tan iyo markii guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ay ku dhawaaqeen doorasho hal dhinac ah.

      Dadaal badan oo laga galay xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana gebi ahaana istaagay dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee hoga amiyeyaasha Soomaalida.

       Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa ilaa hadda ku muransan hanaanka doorashada, iyada oo mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

     Sidoo kale waxaa meesha ka baxay xiriirkii hogaamiyeyaasha dhinacyada isku haya door ashada, midaasi oo ka dhigtay in dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee madaxda dalka uu istaago.

Muranka doorashada ayaa u muuqda mid ka go’aan gaaristiisa loo daayey beesha caalamka oo dhowr jeer ka digtay doorasho hal dhinac ah, iyada oo madaxda dowladda federaalka culeys ku saartay inay qabato doorasho ay u dhan yihiin saamileyda siyaasada.

      "Haddii Ra’iisul wasaarihii doorashada qaban ayay intaan la kulmay aan ku balannay in xal la gaaro uu markii dambena lasoo istaagay horaa loo soconayaa, doorasho kala dhiman ayaa la qa banayaa, oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Juabbaland ka maqan yihiin, oo musharraxiintii tartamayay aysan ku qanacsaneyn. Haddii mad axweynihi aan la arkeynin, oo la mqleynin, ade erow dalkaas beesha caalamka ayadaa awalba  maxkamad dastuuri ah ka ahayd, ciidankeeda ayaa jooga oo dadkan kala haya, annaga beesha caalamka ayaan garnaqsigeenna geynay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

      Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in xalka muranka uu ka baxay gacanta Soomaalida, islamarkaana go’aan kama damb eys ah laga sugayo beesha caalamka iyo inay Soomaalida u yeeriso wixii ay sameyn lahaaye en.Go’aankan ayey u eg tahay inuu iman doona kadib 7-da Febraayo, markaasi oo ay ku eg tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.


Magacaabista safiirada iyo ololaha doorashada

     Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayay inay Dorraad ansixiyaan Safiirradii ugu badnaa ee abid hal mar lawada magacaabo, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 15 Safiir.

     Ansixintan ayaa sidoo kale dib loo dhigay todobaadkii hore kadib muran ka yimid awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee afar beelood iyo bar (4.5).

 Safiirradan ayaa la filayaa in loo magacaabi doono dalalka Sudan, Hindiya, Kenya, South Sud an, Biljamka, Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxa ayna barabixin doonaan safiirro kale oo hadda magacaaban.

     Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ugu mag acaabay Salaad Cali Jeelle Safiirka dalka Jabuuti, halka Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

     Sidoo kale waxaa jira Safiirro ay hore u   ans ixiyeen Golaha Wasiirrada oo ay soo diideen da lalkii loo magacaabay halka kuwa kalena aan weli lagu qorinin safaarrado.

     Danjirayaashan ayaa u badan Siyaasiyiin aan hore uga tirsanayn Wasaaradda Arrimaha Dib edda oo ku yimid magacaabid siyaasadeed kuw aas oo si weyn ugu dhowaa Madaxweyne Max amed Cabdullaahi Farmaajo.

      Falan-qeeyeyaasha siyaasadda ayaa u arka in magacaabistan ay la xiriirto ololaha dib-u-soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo sidoo kale ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso qodobka 11-aad ee Sharciga Shaqaalaha Arri maha Dibedda ee uu Ansixiyey Baarlamaanka 2013.

     Sharcigaas ayaa dhigaya in tirada danjiray aasha ku imaanaya Magacaabista Siyaasadeed in aysan ka badan karin 10% Danjirayaasha ma gacaaban, midaasi oo ay gees martay dowladda.

Magacaabista diblomaasiyiintan ayaa grbi ahaanba ku jirin miisaaniyad sanadeedka loo ans ixiyey xukuumadan taas oo ku keenaysa dib u dhac howl-gelinta safiiradan cusub.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ku baaqay in loo diyaar garooba ka difaaca…

      Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Ba arlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerar ay Habeen hore Al-Shabaab kula wareegtay dee gaanka Ceeldheere, oo 30KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca deegaanada Galmudug.

 Mahad Salaad ayaa sheegay inay sare u kac een weerarada Al-Shab aab ay ka fuliyaan deeg aa nada Galmudug, kuwaasi oo dhibaatooyin xoogan ku haya bulshada deegaanadaas.Sidoo kale waxa uu ku baaqay in laga difaaco G almudug weerarada ay dagaalyahanada Shabaab kusoo qaadayaan iyo dad uu ku she egay danaystayaal ku hoos duugan.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dham eystiran.

      Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan!

    Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weer aro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuul ooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaad weyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaar een agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas deg ganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuul ooyinkiina waa ka dumiyeen.

       Sidoo kale Habeen hore waxay qabsadeen Ceel dhe ere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuus amareeb. Degmada Matabaan Habeen hore ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.

       Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh.

        Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka dif aac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan.

Hon. Mahad Salad

James Swan oo shaaciyey qorshe doorasha da la xiriira oo uu wado Lafta-gareen

        Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo Dorraad gaaray magaalada Baydhaba ee gobol ka Bay, ayaa shaaciyey qorshe la xiriira doora shada Soomaaliya oo uu wado madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Lafta-gareen.

James Swan ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaatay door dhex-dhax aadineed oo ku aadan khilaafka doorashada Soo maaliya, isla markaana ay Qaramada Midoobey ku qanacsantahay dadaallada uu wado Lafta Gareen.

     "Cabdicasiis Lafta Gareen waxaan kawada hadalnay xaaladda ballaaran ee siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyin ka. Arrintaan, waxaan jeclaan lahaa inaan ku mu ujiyo sida aan ugu qanacsan yahay dadaalada so cda ee madaxweyne C/ Casiis uu isugu keenayo dhinacyada kala duwan si ay uga heshiiyaan wadada loo marayo doorashooyinka,” ayuu yiri James Swan.

       Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, "Waxa an mar kale ku celinayaa in la qaato tallaabo la is la oggol yahay iyo wax wada qabsi, oo macna heedu yahay in wax walba la hor mariyo danta dalka, ay muhiim tahay waqtigan.”    Sidoo kale Danjire James Swan waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya ay ku boorinayaan inay wadahadlaan, isla markaana meesha ka saaraan is qabqabsiga.

        "Hadaanahay Qaramada Midoobey, waxaan ku boorineynaa dhamaan hoggaamiyaasha Soo maaliya in ay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku galayaan wadahadal qaab wadajirka ah, si loo hubiyo in doorashooyinka Qaranka la qabto, iya doo lagu saleynayo is afgarad ballaaran, oo salka ku haya heshiiskii 17-kii Sebtember, iyo in doora shooyinkaasi ay salka ku hayaan hufnaan , cad aalad iyo ka wada qayb-gal” ayuu hadalkiisa ku sii daray wakiilka Qaramada Midoobey James Swan.

      Booqashada Baydhaba iyo wadfigan ka so cda Qaramada Midoobey ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalin ka hor madaxweyne Lafta Gareen uu gaaray magaaladaas.

     Wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ku dhawaaqay inuu ku fashilmay dhex-dhaxaadintiisii dhinacyada mucaaradka iyo dowladda dhexe, waxaa soo baxayey warar sheegaya in doorkaas uu mar kale qaatay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, balse weli majiraan wax isu soo dhawaansho ah oo muuqda.

Mootada laba lugaaleyda ee Muqdisho ka sha qeyso oo amar laga soo saaray

       Ilo wareedyo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowaan shir ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta amaanka ee dowladda Soomaaliya la isku afgartay in Muqdisho laga joojiyo Mootada laba lugaaleyda oo ay dadka Muqdisho u yaqaanaan (Dhug-dhugley).

      Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in amarkaan aan wali lagu dhaqaaqin balse la isku afgartay, waxaana sababta lagu sheegay in la he lay xog tilmaameysa in Muqdisho lagu diyaariyay rag wata Mootooyinkaan oo qaraxyo Ismiidaamin ah ka geysan doono Gobalka Banaadir. Goobaha laga joojin doono ama la isku afgartay laga bila abo ayaa ah wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya, Saldhigyada muhiimka ah ee ciid amada amaanka, Wasaaradaha qaar iyo goobo kale.

      Mootada Dhug-dhugleyda waxay kamdi ah gaadiidka sida weyn loogu isticmaalo Muqdisho waana mid kamid ah gaadiidka aan wadooyinka ka xirmin, taas oo ka dhigtay in dad badan oo shaqeeya ay soo iibsadaan si ay shaqooyinkooda ugu tagaan.

       Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaame ysa in goobaha laga joojin ay qeyb ka tahay Gar oonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah aagga sida looga isticmaalo oo ay uga shaqe eyaan sida gaadiidka BL-ka ah.

     Arintaan ayaa shaqa la’aan ku ridi karta boq olaal dhalinyaro ah oo ka raadsada nolal maal meedkooda, ayaga oo dadka ku qaada ama ugu adeega ganacsiyada doonaya inay adeegyado

 oda gaarsiiyaan macaamiisha.

Xigasho:caasimadda.net


Maxkamadda ciidamada oo soo saartay amar culus

     Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalab ka sida ee darajada Koowaad, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray amar culus oo la xiriira maleeshiyada dilalka qorsheysan ka fulisa gobo lka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute ayaa ciid amada dowladda Soomaaliya fa ray inay qaadaan howl-galo ka dhan ah maleeshiyadaas, oo ma rar badan dilal ka geystay gobolk aas, kuwaasi oo baxsad ka ah gacanta dowladda.

      Sidoo kale waxa uu amar ku bixiyey in cad aalada la horkeeno maleeshiyadii ka dambeeysay dilkii dhawaan kooxahaas ugu geysteen dad shacab ah deegaan hoos yimaada degmada Bala nbale, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay shan qof.

      Shuute ayaa waxa kale oo uu ciidamada ku buuriyay inay gacan weyn ka geystaan sidii sharciga loola tiigsan lahaa maleeshiyo hubeysan oo iyaguna dhawaan dilay lix sarkaal oo ka tirs anaa ciidanka xooga dalka.

      Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in dowlad Soomaaliya ay ku howlan tahay hirgelinta ciidan cusub oo uu sheegay inay maxkamaddaha dalka kala shaqeyn doonaan soo qabashada dambii layaasha.

      Ciidamada oo uu sheegay Shuute ayaa wax ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii cada alada loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka baxsadka ah, kuwaasi oo muddo badan ku qaadata laa maha amniga inay gacanta kusoo dhigaan.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada UGAN ADA iyo cidda hoggaamineysa

      Dadka reer Yuganda ayaa Dorraad u codeeyay qofka ku habboon Madaxweynaha Dalka Uganda oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Xafiiska Joogta tan iyo 1986-dii ee Yoweri Museveni & fan naanka da’da yar ee Rob ert Kyagulanyi oo ku magac dheer Bobi Wine.

Internetka ayaa hawada laga saaray si aan loo qa sin Doorashada, Dowladda ayaa ciidamo dhee raad ah dhigtay waddooyinka muhiimka ah iyo meelaha laga cabsida qabo in ay ka bilawdaan    isku dhacyo salka ku haya Doorashada.

      Codadka ilaa haatan la tiriyay waxa ay warar ku sheegayaan in uu ku horreeyo Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Yoweri Museveni, waxaana si horudhac ah Shalayy uu guddiga doorashada ga canta ku haya uu shaaciyay in Kaguto uu ka co dad badan yahay Wine.

     Museveni ayaa helay 1,536,205 (Hal Milyan, Shan boqol, Soddon & lex kun, labo boqol iyo shan) codad ah oo u dhigma (65.02%), halka R obert Kyagulanyi (Bobi Wine) uu heysto 647,146 (Lex boqol, afartan & todobo kun, Boqol, afartan & lex) cod (27.39%), waxaana laga soo uruuriyay ilaa 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

      Guud ahaan goobaha la dhigay Sanaadiiqda Cod-bixinta waxa ay gaarayaan 34, 684, waxa ana ku socda tirinta iyada oo si horudhac ah Gud diga Doorashada uu usoo gudbinayo natiijada, halka kala marayo & boqolley ahaan inta ay kala heystaan labada Musharax.

      Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa horay usii sheegay in natiijada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyada oo intenet-ka guud ahaan dalka laga demiyay d

Galmudug: Gadood Ciidanka Daraawiishta, Al-shabaab oo Magaalooyin Weeraray iyo Dagaal Beeleedyo

     Waxaa aad u qasan iminka xaaladda maamul goboleedka bartamaha Soomaaliya ee Galmudug iyada oo todobaadkan iyo dhowaanba ay ka dhac ayeen dhibaatooyin saameeyey dadka iyo dee gaanka isla markaana wiiqaya nidaamka maamul ka curdinka ah.

    Saacadihii tagay, ciidamo ka tirsan Daraaw iishta, oo muddo u xareysnaa maamulka Gal mudug aya la sheegay iney gadoodeen.

Ciidankan oo 8 bil ay gacanta ku heysay wasaar adda amniga Galmudug, kuna xareysnaa Dhaan karoone o Galinsoor ayaa mar uun go’aan ku gaaray iney oodda jabsadaan.

       Weriyaha Goobjoog News ayaa ee gobolka ayaa sheegay in lala xiriirinayo sababo mushaar la’aan ah halka dadka qaar ayba noo sheegeen in ciidamku keliya aaney gadoodin balse isbaaro dhigteen.

      Dhanka, kale Habeen hore waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Wisil oo ka tirsan Mudug iyo magaalada Ceeldheer oo dhanka Dhu usamareeb ku dhow, inkasta oo uu ahaa ku dhu fo, oo ka dhaqaaq hadana cabsi ayey sheegeen iney soo wajahday dadka deegaanka, oo mar walba la kulmo weerrarada kooxda.

      Dhibaatooyinka u gaarka ah Galmudug wax aa ka mid ah dagaal beeleedyo iyo aargoosi hore, oo abuuray iney meesha ka baxdo kalsoonida beelaha dhexdooda ah, arrintan ayaa saameysay deegaanno badan oo galbeedka iyo waqooyiga ah sida Balanballe, Hobyo, Bacaadweyne, Hold ooyaane iyo meelo kale.

Madaxweyne Guudlaawe oo isbedelkii amni ee ugu horeysay sameeyay

       Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa is bedelkii amni ee ugu horeysay ka sameeyay Magaalada Jowh ar ee Xarunta Maamulka, tiiyoo Shalay laga dar eemay magaaladaasi.

      Muddada labada bilood ee Madaxweynuhu uu xafiisku jooggo waxaa lagu ammaanay inuu diirad da saaray wax-ka-qabashada amniga magaal ada, xilli billo ka hor uu qalqal amni ka jiray mag aaladaasi.

    Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa inoo sheegay inuu hoos u dhac weyn ku yimid falalkii amni-darro ee magaalada ka jiray, amniga maga aladana uu haatan u muuqdo mid xasilloon.

      "Jowhar waxaad ku arkeysaa Xildhibaan mag aalada iska dhex socdo, isagoo wax ilaalo ah wa dan, horey ugama jirin magaalada. Taasna wax aad ka garan kartaa is bedelka amni ee magaalada ku yimid.” Ayuu yiri Maslax Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah.

      Maslax Maxamed ayaa xusay in laba bilood ka hor uu qalqal amni ka jiray Magaalada Jowhar, isla-markaana lagu dilay laba ka mida Golihii Was iirada ee Maamulkii Madaxweyne Maxamed Ca bdi Waare.

     Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xitaa wax-ka-qabtay dilalkii ciidamada ammaanka ee xilliyada qaarkood magaaladaasi ugu gaysan jireen dadka rayidka.

      Xildhibaan Muudey oo la hadlay Universaltv ayaa bidhaamiyay in shaqada ay iminka bilow tahay, isla-markaana ay si wanaagsan u socoto, isagoo intaa ku daray in yoolka maamulka uu ya hay in amni lagu soo dabaalo deegaanada Hir shabelle.

    Xildhibaan Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka tir san Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Madaxwey naha cusub ee Hirshabelle ku ammaanay in is be delkiisa amni uu qayb ka yahay hagaajinta an shaxa Ciidamada Qalabka Sida.

     Xildhibaan Yuusuf Maxamed Siyaad oo u waramay Universaltv waxaa uu sheegay in an shaxa ciidamada oo la hagaajiyaa ay xoojin karto wada shaqaynta ciidamada iyo shacabka.

     Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu marka an diyaar u yahay wax-ka-qabashada amiga wa dada xiriirisa Jowhar iyo Balcad.

     Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsadan ayaa wax-ka-qaba shada amniga ku tilmaamay mid ka mida ballanq aadyadii ugu waaweynaa ee Madaxweynuhu sam eeyay, xilligii doorashada.

Is bedelka amni ee laga dareemay Magaalada Jowhar waxay ku soo aadaysaa, xilli Jowhar lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Hassan Abdulkhadir Muudey

Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

      Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soo maaliya, Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa kulan ga ar ah la qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip