Maraykanka oo dil lagu fuliyay haweyneydii ugu horeysay muddo 70 sano ah.

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:45:27 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo dil lagu fuliyay haweyneydii ugu horeysay muddo 70 sano ah.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay xukun dil ku ah fulisay qof dumar ah muddo ku dhow toddobaatan sano, Xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro xil wareejinta Madaxtinimada dalka Maraykanka.

Lisa Montgomery oo ahayd 52 sano jir ayaa lagu duray irbad ay ku jirto maadada pentobarbital oo awood leh xabsi ku yaal Terre Haute, Indiana.

Haweeyneydan ayaa noqotay qofkii 11aad ee xukun dil ah lagu fuliyo tan iyo markii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha xilka ka sii degeya Trump bishii July ee sanadakan dib u soo celinta xukunka dilka ah muddo 17 sano kadib.

Montgomery ayaa lagu helay dambi ah inay dishay haweeney la oran jirey Bobbie Jo Stinnett kadibna uurka soo dooxday ilmo siddeed bilood caloosha ugu jirey sanadkii 2004.

Dadaalo lagu doonayay in lagu baajiyo xukunkan ayaa suurtogeli waayay iyadoo qareenada daafacayay Lisa ay sheegeen in

Haweeyneydii ugu dambeysay ee xukun dil ah lagu fuliyo dalka Maraykanka ayaa waxa ay ahayd Bonnie Brown Heady oo la diley 18ka December 1953,kadib markii lagu helay dambi ah dilka iyo afduubka wiil lix sano jir ahaa xilligaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip