Xaliimo Yareey " Dowlad aan xalane laga xukumin aan sameysano"

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:32:30 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaliimo Yareey " Dowlad aan xalane laga xukumin aan sameysano"

    Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee Doorashooyinka Dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay'addii u xilsaarneed ilaalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee Doorashooyinka Dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay'addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka. Guddoomyea Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in dalka dhibaatooyin kala duwan uu soo maray ilaa markii dambe la diyaariyay dastuus qabyo ah oo u baahan in la dhammeysto, shaqadaasna ay tahay mid ay qabaneyso Hay'adda u xilsaaran oo aan dhisneen. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeedisay in qadarin uu u baahan yahay Dastuurka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay'adda qaadaneysa mas'uuliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado. "Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sidaas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay'addii inoo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la waayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay" ayay tiri Xaliimo Yarey. Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri "Dowlad Goboleedyada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan waana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo". Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay'adda ilaalisa dastuurka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso. Ugu dambeyntii Xaliima Yarey ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin. Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip