Warbixin: Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamadiisa oo ku biiraya Kooxda Daacish

0
Tuesday January 12, 2021 - 21:51:46 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamadiisa oo ku biiraya Kooxda Daacish

    Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 ka mid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo ISIS. Xogtaan oo ay baahiyeen illo sirdoon ah ayaa sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 ka mid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo ISIS. Xogtaan oo ay baahiyeen illo sirdoon ah ayaa sheegaysa in sarkaalkaan uu ahaa taliye caan ka ah ururka Al-shabaab dhexdiisa, balse lama garanayo sababta xilligaan ku soo beegtay inuu ku biirayo ururka Daacish. Warbixinta laga qoray oo koobnayd waxay tilmaamaysaa inuu fadhigiisu ahaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ku biiristiisa Daacish ay muran ka dhex dhalisay taageerayaasha kooxda Daacish dhexdooda, waxayna arrintaan ku soo aadaysa xilli dhawaan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale labada koox ayaa dagaallo xooggan ku dhexmareen buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi oo kasoo abaabulaan weerarada ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip