Qarax Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere

0
Tuesday January 12, 2021 - 21:48:41 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda qarax lagula eegtay gobolka, kaas oo sababay khasaare oo soo gaaray ciidankii qaraxa lala eegtay, xili ay marayeen duleedka Baardheere. Warar ayaaintaas ku daraya i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda qarax lagula eegtay gobolka, kaas oo sababay khasaare oo soo gaaray ciidankii qaraxa lala eegtay, xili ay marayeen duleedka Baardheere. Warar ayaaintaas ku daraya in qaraxa lala eegtay gaari uu la soctay taliyaha guutada 10-aad ururka 49-aad qeybta 43-aad ee xoogga dalka Taliye Maxamed Dheere iyo ilaalo la socotay iyagoo ku sii jeeday dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo ciidanka dowladda. Sidoo kale wararka waxaa ay sheegayaan in taliyaha iyo saraakiishii la socotay waxyeello dhaawac u badan ay kasoo gaartay qaraxa, wallow lasoo warinayo in taliyaha uusoo gaaray dhaawac culus, waxaana la dhaawacmay tiro ilaaladiisa ah. Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Baardheere ayaa ciidamada xoogu waxaa ay sheegeen in ay ka gaareen guulo ayna Al-shabab ay kala wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormaroodi ayna ku burburiyeen xarumo ay lahaayeen sida ay sheegeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip