FAO oo Ka Digtay Ayax Hor leh oo Kusoo Fool leh Bariga Afrika

0
Tuesday January 12, 2021 - 21:38:10 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAO oo Ka Digtay Ayax Hor leh oo Kusoo Fool leh Bariga Afrika

    Ha'yadda Cunnada Adduunka ee FAO ayaa ka digtay ayax hor leh oo ku fidayo koonfurta Itoobiya iyo waqooyiga Kenya. Ha'yadda waxay sheegtay in ayaxu uu kasoo duulayo goobihii uu horraan sida ba'an u saameeyay ee bariga Itoobiya iyo ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha'yadda Cunnada Adduunka ee FAO ayaa ka digtay ayax hor leh oo ku fidayo koonfurta Itoobiya iyo waqooyiga Kenya. Ha'yadda waxay sheegtay in ayaxu uu kasoo duulayo goobihii uu horraan sida ba'an u saameeyay ee bariga Itoobiya iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana haatan uu ku baahayo gobolka shucuubta koonfureed ee Itoobiya, waqooyiga iyo deegaanada dhaca xeebaha Kenya. FAO waxay sidoo kale ka digtay in bishan uu ayaxu gaari karo karo gudaha Kenya ilaa Tanzania, South Sudan iyo Uganda. Hay'adda ayaa sheegtay in ayax aad u badan uu ku habsaday deegaanka Mwanga ee waqooyi bari Tanzania. Ayax ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa ismaamullada kala ah, Wajir, Garissa, Marsabit iyo Isiolo. Soomaaliya ayuu ayaxu si aad ah u saameeyay iyada oo badi dalagyadii dalka ka soo go'I jiray uu si weyn u kala dhantaalay. Hay'adda ayaa dhammaan dalalka gobolka ugu baaqday in ay u guntadaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen ayaxa halakeeyay dalaggii gobolka. Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi'iyay dhul beereed ku yaalla halkaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip