Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay Soomaaliya ku soo wajahan tahay dabeyl waxyeelo ballaaran geysaneysa
Ambassador Harriet Matthews oo ah safiirka Soomaaliya u dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay xaaladda dalka, doorka dowladeeda ka qaadaneyso arrimaha gargaarka, nabadgelyada, siyaasadda iyo taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay
dabeyl xoog leh oo geysaneysa waxyeelo ballaaran, waxayna hoosta ka
xariiqday in dowladda Ingiriiska ay ku bixineyso dhaqaale gaaraya
15-Milyan Dollar oo lagu taageerayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto
dabeyshaas oo lagu magacaabo Ilnimo.
"Waa waqti adag oo ay nagu soo fool leedahay dabeysha Ilnimo, Dowladda UK waxay ugu deeqeysaa 15-Milyan Dollar dadka ay saameyso dabeyshaan” ayay tiri Harriet Matthews oo warbaahinta kula hadleysay magaalada Muqdisho.
Dhaqaalahaan ayaa inta badan lagu bixinayaa sida uu safiirka Soomaaliya ee Britania biyo xireenada iyo beeraleyda ay dhibaatadu ka soo gaarto dabeyshaasi.
Dhinaca kale Ambassador Harriet Matthews ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan heystaan caqabado fara badan oo ka dhashay xilliga kala guurka ah, waxayna ballanqaaday in dowladda UK gacan ka geysaneyso sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyinka sanadka 2016-ka.
Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay Soomaaliya ku soo wajahan tahay dabeyl waxyeelo ballaaran geysaneysa
Ambassador Harriet Matthews oo ah safiirka Soomaaliya u dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay xaaladda dalka, doorka dowladeeda ka qaadaneyso arrimaha gargaarka, nabadgelyada, siyaasadda iyo taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya.