Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee NISA oo ka hadashay xariga saxafiyiinta Tv-ga UNIVERSAL

0
Tuesday October 06, 2015 - 23:41:15 in Wararka by
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee NISA oo ka hadashay xariga saxafiyiinta Tv-ga UNIVERSAL

    Hay'ada Nabadsugidda Soomaaliyeed NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay xarigii loo geystey agaasimaha xafiiska Bariga Afrika ee Universal iyo mid ka mid ah barnaamij soo saarayaasha taleefishinka Universal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada Nabadsugidda Soomaaliyeed NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay xarigii loo geystey agaasimaha xafiiska Bariga Afrika ee Universal iyo mid ka mid ah barnaamij soo saarayaasha taleefishinka Universal.



Warsaxaafadeedkan ayaa hay’ada NISA waxa ay ku sheegtay in digniino hore loogu jeediyay taleefishinka Universal uuna ka dhagadaygay, waxana Hay’ada Nabadsugida ay sheegtay in warbaahinta qaar ay ka shaqeeyaan amni darro iyo inay tashwiish geliyaan hay’ado waxtaraya dalka.

Warsaxaafadeedka laguma sheegin tallaabada laga qaaddayo shaqaalaha ka tirsan Universal ee ku jira gacanta Hay’adda Nabadsugidda iyo in maxkamad la geynayaba.

Halkan ka aqriso warsaxaafadeedka:

1. Marka warbaahinteena qaar ay noqoto meel lagu baado hay’adaha dowldda, lagu sumcad dilo madaxda dastuuriga ah ee Dalka, lagu abuuro xasilooni darro Amni iyo mid siyaasadeed, lagu rajo tiro shacabka laguna hanjabiyo, ha is weydiinina sababta Tallaabo sharci ah looga qaaday ee is weydiiya sababta ay falalkaas gurracan u geysanayaan.
2. Argagixisadu waa wadar nuuc, midda nafta goysa waxaa la mid ah midda maskaxda disha iyo midda sumcadda Qaran iyo mid qof ahaaneedba disha, intuba waa isku mid waxaana ka wada ilaalinaa Qaranka.
3. Argagixisadu ma’aha kaligeed Khatarta koobaad ee Qarankeena, waxaa jira Khataro kale oo dadkeena in badan aysan fahamsaneyn kana waxyeello badan Argagixsada aan Naqaan, Waxaana ka mid ah:- – kuwa nagu dhexjira ee hagaya cadowga, kaalmeynayana ama xariir isgaarsiineed iyo mid ganacsi kala dhaxeeyso argagixisada. – kuwa Hay’adaha iyo safaaradaha Ajnabiga ah sifo aan loogu dirsan uga daba wareegaaya, marin habaabinaya tashwiishna galinaya saaxiibo badan oo dalkeena wax tari lahaa. – kuwa qoraalada been abuurka ah ka gudbinaya Qarankeena una gudbinaya kuwa ku nool qoraalada dhaawacaya jiritaankeena iyo Qaranimadeena (Soomaali iyo Ajnabiba). intaas waxey la mid yihiin amaba ay ka daranyihiin Argagixisada aan naqaan, maxaa yeelay Argagixisada aan naqaan waxaa laga yaabaa in ay dad yar ama goob kooban ay saameyso laakiin kuwaan kale waxey saameynayaan guud ahaan Umadnimadeena iyo Qaranimadeena, waana kuwo aan u daba joogno sida aan u dabajoogno Argagixsada aad taqaanaan.
4. Xarumaha warbaahineed ee Talaabada laga qaaday maaha kuwo kaliya hal Barnaamij oo kabxay ayaga Talaabo looga qaaday ee waxaa jiray falal kale ee Gurracan oo ahaa musalsal oo ay horay ugu kaceen, iyadoona horay loo siiyay Digniino ah iney joojiyaan kana dhega adeegeen, waxaa ka mid ahaa:- warar been abuur ah oo laga faafiyay Hayadaha Dowladda, sida madaxda dalka ugu sareysa, Wasaaradda Gaashaandhiga, Wasaaradda Amniga, Hayadaha Garsoorka, falalka kale ee Guracan oo ay ku kaceen waxaa kamid ah buunbuuninta Jabhadaha Hubeysan ee doonaya iney Qoriga ku wiiqaan dowladnimadeena, sidoo kale waxey buunbuuniyeen Barobogandana u sameeyeen ururada Argagiixisada ah ee ummadnimadeena ka soo horjeeda, iyagoo ka dhaga adeegay Amar hore oo ka soo baxay Hay’adaha Amniga oo ahaa inaan la buunbuunin Karin hadalada madaxda Argagixisada.
5. Ugu danbeyn Dowladnimadu waa xishootaa, waa dulqaadataa, waa digtaa, waana sugtaa, intaa qoladii garanweysa ayadoo dhiiran ayeey Tallaabo sharci ah ka qaadaa, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo.
6. Dalkeenu maaha dal hada dhashay wuxuu leeyahay shuruuc iyo Taariikh soo jireen ah waxaan ku borineynaa dadka leh meheradaha madaxa banana ee gaarka looleeyahay gaar ahaan warbaahinta in ay aqriyaan xeerka ciqaabta soomaaliyeed ee dalka u yaala si aysan u gelin faldanbiyeedyo sababa in lala tiigsado sharciga mustaqbalkooda shaqana saameeya.
—————Dhamaad—————



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip