Taageerayaal Farabadan Oo Buux Dhaafiyay Garoonka En.Yariisoow

0
Thursday December 31, 2020 - 13:33:13 in Wararka by
  • Visits: 4867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaal Farabadan Oo Buux Dhaafiyay Garoonka En.Yariisoow

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

             Iyadoo saacado kooban ay ka harsan yihiin in la baasto kulanka Finalka ah ee u dhexeeya Cayaartooyda Kala matalaysa Maamulka Galmudug iyo Gobolkani Banaadir, ayaa waxaa Magaalada si weyn looga dareemayaa saameynta uu leeyhay kulankaasi, iyadoo Tageeraayaal farabadan ay buux dhaafiyeen Garoonka ENG. Yariisoow (Ex-Koonis).

        Taageerayaasha oo subaxnimadii hore ee Saaka gaaray garoonka ayaa hadda waxaa uu Garoonku la ciir-ciirayaa taageerayaal labada dhinaca u kala sacabba tumaya, waxaana wali jira taageerayaal kale oo si raxan raxan ah u gaaraya Eng.Yariisoow Stadium.

      Barqanimadii hore ee Saaka ayaa Saxaafadda loo fasaxay gudaha Garoonka, waxaana kadib xigay dadka Shacabka ah oo loo fasaxay gudaha Garoonka, waxaana xirmay waddooyinka soo gala Garoonka oo ku yaalla Degmada cabdi casiis ee Gobolkani Banaadir.

         Cayaarta u dhexeysa Ciyaartoyda mataleysa Maamulka Galmudug iyo Gobolkani Banaadir ayaa loo arkaa tii ugu xisiaha iyo xamaasadda badneyd cayaaraha tar-tanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana labada dhinaca ay horay kaga soo adkaadeen Maamulada Koonfur galbeed iyo Puntland.

        Tar-tanka Maamul Goboleedyada ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxaa uu sii yeelanaya Xiiso gaar ah, waxaana labadii sano ee u dambeyay Qaaday Tar-tanka maamulada Punland iyo Jubbaland, waxaana sanad kaan Semi-final ku haray Cayaartooyda matalaysa maamulka Puntland, halka Jubbalanday ku hartay wareegga koowaad ee tar tanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip