Xarun laga dhisayo Muqdisho oo la sheegay inaan laga shaqaaleyn karin Qof Soomaali ah (DAAWO)

0
Wednesday March 23, 2016 - 12:58:08 in Featured by
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun laga dhisayo Muqdisho oo la sheegay inaan laga shaqaaleyn karin Qof Soomaali ah (DAAWO)

    Dhisme weyn oo Midowga Yurub uu ka dhisanayo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in amar lagu bixiyay inaan laga shaqaaleyn qof Soomaali ah, xitaana uusan ka noqon karin nadiifiye, arrintan oo ah mid ku cusub Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhisme weyn oo Midowga Yurub uu ka dhisanayo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in amar lagu bixiyay inaan laga shaqaaleyn qof Soomaali ah, xitaana uusan ka noqon karin nadiifiye, arrintan oo ah mid ku cusub Soomaaliya.
Muuqaal uu baahiyay Website-ka Dalsoor oo ka mid ah kuwa Soomaalida ayaa lagu xusay in ay heleen warqado muujinaya in Ururka Midowga Yurub heshiis kula galay shirkadaha maamulaya xaruntaas.

Midowga Yurub ayaa dhulka ay xaruntan ka dhisanayaan waxaa dowladda FS ay ka siisay gudaha Xerada Ciidamada AMISOM ee Xalane, iyadoo bixinta dhulkaan uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Eryada warqadda ku qoranaa ayaa waxaa ka mid ahaa: "Qandaraasluhu ma shaqaaleysiin karo qof haysta dhalasho Soomaali ama isirkiisu yahay Somalia, goobtaasna adeeg kama bixin karo markuu dhismuhu dhammaado kaddib.

Arrintan oo ah mid aan horay loo arkin, ayaa waxay imaanaysaa xilli uu xafladii wareejinta dhulkan ka sheegeay madaxweynaha Somalia Xasan Shl. Maxamuud in mashruucan uu noqon doono mid ay Soomaalidu ka faa’iidi doonto.

HADDABA, Halkan ka DAAWO Muuqaalka ku saabsan Arrintan – xigasho Dalsoor;


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliyaa

xigasho:-hiiraan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip