Galmudug oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka cayaarta final-ka

0
Wednesday December 30, 2020 - 15:05:46 in Wararka by
  • Visits: 4851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka cayaarta final-ka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

       Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuusan ka qeyb-gali doonin cayaarta finalka ee tartanka maamul goboleedyada haddii ay dib uga dhacdo maalinta Khamiista ah, kadib markii maanta la baajiyey.

            Kulan ay Maanta yeesheen Wasiirka ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir, xiriirka Ciyaaraha Kubadda cagta iyo Taliska Booliska ayaa lagu go’aamiyey waqtiga ay dhaceyso ciyaarta kama dambeysta ah ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

             Ciyaarta kama danbeysta ah ee dhex mareysa xulalka Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa la shaaciyey inay dhici doonto Khamiista Berri, iyadoo lagu qaban doono Garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

            Sababta ay ciyaarta dib ugu dhacday ayaa lagu sheegay burbur gaaray shabaqyadii Garoonka iyo qeybo ka mida garoonka markii rabshado ka dhaceen ciyaartii Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

 

Xiriirka Kubadda Cagta ee Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid dib u dhigista aan lagala tashan ee lagu sameeyay ciyaartii maanta dhici lahayd.

            Galmudug ayaa sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin ciyaartaasi haddii laga dib dhigo Khamiista oo hadda loo qabtay inay dhacdo, waxayna ku andacoonayaan inaan marnaba lagala tashan wax ka badalka waqtigii la filayey inay cayaarta dhacdo.

              Sidoo kale, Wasiirka Amniga gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay u baahan yihiin in loo fasiro sababta keentay dib u dhaca cayaarta.

           Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Koobka Caawa laga sugayey in laga soo dajiyo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, wuxuuna sidoo kale sheegay inaysan aqbali doonin dib u dhac kale.

              "Maanta cayaartii kama danbaysta aheyd ee xulalka Galmudug iyo Banaadir dhexmari laheyd yaa noo fasiri kara sababta dib loogu dhigey? Yaase lahaa awoodda dib u dhigista? Xiriirka kubadda cagtu waa in uu jawaab u helaa arrinkaan!.!Koobka caaway waxaa laga sugayey caasimadda Galmudug, dib u dhac intaa ka badan lama aqbali karo iyo wararka kale ee la sheegayo!,” Axmed Macalin Fiqi- Wasirka Amniga Galmudug

Galmudug oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka cayaarta final-ka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip