Ciyaartoyda Gobolka Banaadir oo iska xaadiriyey kama dambeysta tartanka maamul Goboleedyada.

0
Monday December 28, 2020 - 18:52:19 in Wararka by
  • Visits: 4823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyda Gobolka Banaadir oo iska xaadiriyey kama dambeysta tartanka maamul Goboleedyada.

    Ciyaar ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo galabta ka dhacday garoomka Eng Yariisoow magaalada Muqdisho, isla markaana ah Ciyaarta ugu dambeeya ee wareega afar dhamaadka ee tartanka ayaa waxaa galabta foodd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo galabta ka dhacday garoomka Eng Yariisoow magaalada Muqdisho, isla markaana ah Ciyaarta ugu dambeeya ee wareega afar dhamaadka ee tartanka ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo kala sitay hal ku dhigyo ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada. Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, waxaana cayaarta daqiiqaddii 41-aad gool u dhaliyay gobolka Banaadir xiddiga N0, 11aad u xiran Banaadir ee lagu magacaabo Nageeye Deeq, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0, oo ciyaarta ku hoggaminayeen Xulka kubadda cagta Banaadir. Daqiiqaddii 58-aad Ibraahim Ilyaas oo Xulka Banaadir u wata N0. 28-aad ayaa u dhaliyay goolka labaad ee ay la yimaadeen Xulka Banaadir, balse daqiiqaddii 63aad Maxamuud Ibraahim oo N0: 20-aad watay ayaa gool u dhaliyay xulka Koonfur Galbeed, kaasi oo cayaarta ka dhigay 2-1. Cayaarta oo ahayd weerar iyo weerar celis ayaa daqiiqaddii 82-aad Idiris Maxamed Bilaal oo ka tirsan Xulka Banaadir wuxuu cayaarta ka dhigay 3-1, waxaana cayaarta ay ku soo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Xulka kubadda caggta ee Banaadir, waxayna u gudbeen cayaarta kama dambeysta ah oo ay isku arki doonaan Xulka Galmudug.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip