Axmed Mowliid "Fursad Qaali Ah Ayay Aheyd In Ku Dheelo Dalkayga"

0
Friday December 25, 2020 - 22:34:33 in Wararka by
  • Visits: 4813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Mowliid "Fursad Qaali Ah Ayay Aheyd In Ku Dheelo Dalkayga"

    Ciyaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug Axmed Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ay u aheyd sharaf weyn in uu ku ciyaaro Magaalada Muqdisho,isagoo ku dhashay kuna barbaaray Wadanka Finland gaar ahaan Magaalada Hyvinkää.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug Axmed Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ay u aheyd sharaf weyn in uu ku ciyaaro Magaalada Muqdisho,isagoo ku dhashay kuna barbaaray Wadanka Finland gaar ahaan Magaalada Hyvinkää.

Ururka Kubbadda Cagta Wadanka Finland ee SOCUS ayaa ciyaaryahan Axmed iyo laacibiin kale u fudeeyay in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho kana qeyb galaan tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxayna arintan ku sheegeyn in ay tahay guul weyn ay ka sameeyeen is dhaxgalka bahda isboortiga Soomaaliya iyo Wadanka Finland.

"SOCUS guul weyn ayay u tahay da’daalka iyo wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn xidigaha Galmudug ee ka yimid Finland,waxaa naga go’aan in aan kooxaha iyo Xulka Qaranka dalkeena ugu faa’idayno dhalinyarada tayada wanaagsan ee ku dhashay kuna barbaaray Finland” ayuu Goobjoog Sporta unsheegay guddoomiyaha Ururka SOCUS mudane Cabdiqaadir Qaaje.

Axmed Mowliid Wuxuu ka mid tiro ciyaaryahano ah oo doorka wanaagsan kulahaa wax qabadma kooxda Galmudug,waxayna dhalinyarada kaga yimaadan Wadanka Finland,iyagoo soo bandhigay Xirfad sare.

"Sharaf weyn ayey ii tahay maanta in aan ka cayaaro magaalada Muqdisho aniga oo ku dhashay, kuna koray wadanka Finland”ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacibka kooxda Galmudug Axmed Mowliid Guhaad.

Si kastaba Hogaanka Uruurka SOCUS ee dalka Finland ayaa labadii sano lasoo dhaafay suuro-geliyay in ay dalka keenaan ciyaartooy tayo wanaagsan kuwaas oo guulo waaweyn gaarsiiyay Xulka Qaranka,kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Daawo Axmed Mowliid Oo La Hadlay Goobjoog

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Axmed

Axmed Mowliid "Si Wanaagsan Ayaa La Ii Soo Dhaweeyay”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip