QAAR KA MID AH DHIBAATOOYINKA IS BIIRSADAY EE SOOMAALIYA HEYSTA.

0
Tuesday March 22, 2016 - 11:54:29 in Maqaallo by
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QAAR KA MID AH DHIBAATOOYINKA IS BIIRSADAY EE SOOMAALIYA HEYSTA.

    ======================================================== Khilaafka soo dhex galay dadka culimaa'udiinka iyo kuwo diinta sida qalloocan u fasirta, dadka banaystay daadiinta dhiiga islaamka, jahawareerka ragaadiyay maamulada soo maray dalka min C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

======================================================== Khilaafka soo dhex galay dadka culimaa'udiinka iyo kuwo diinta sida qalloocan u fasirta, dadka banaystay daadiinta dhiiga islaamka, jahawareerka ragaadiyay maamulada soo maray dalka min Carta, Djibouti 2000 ilaa Djibouti, Djibouti 2009 oo lagu soo dhisay maamulka KMG. Dhaca loo geystay

kheyraadka Soomaaliya ee badda iyo berigaba leh. Dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaal-ogayaasha min 1991 ilaa 2006. Dhibaatooyinka la soo darsay dadka u qaxay dibadaha iyo barakacyaasha gudaha. Hantida la lunsaday, musuqmaasaqa iyo maamul xumida. Abaaraha soo noqnoqday oo macluusha keenay iyo xanuunada la dhaxlay, suntan lagu shubay Baddeena. Dhaqanka gurracan ee beesha caalamka kula dhaqanto xallinta mashkilada Soomaaliya iyo kala go’ynta dalka iyo maamul goboleedyada. Dagaalada sokeeye ee dhiiga badan ku daatay iyo qashiinnimada qabyaaladda dadka Soomaaliyeed..

Waxyabaashaas aan soo sheegay dhammaantood waxay kuu muujinyaan su’aasha ah: Maxaa laga fili kara shacabka Soomaalida inuu ku dambeeyo. Ilaahay hanaga badbaadiyo waa xaalad qatar ah.Haddii aan haatan wax laga qaban way adkaan doonto mar kastoo uu waqtigu sii fogaado inay aafado noqon doonto mid joogto ah oo dalkeena ka dhigi doonto lama-dagaan isla markaana la dhihi doono meeshaan beri baa waxaa ku noolaa jiray ama degenaan jiray dadka Soomaali loo yiqiin. Barnaamijkaas waxaa muuqata inuu hadda nagu dul socdo oo innagu ananba ogeyn oo aan iska hurudno.

Waxaa kaloo ka sii daran qorshaha Soomaaliya lala damacsan yahay oo la rabo in lagu sii halakeeyo kaasoo ah dagaal nooc kasta ah oo ay ugu soo horreyso dagaal xagga biyaha berriga, sii burburinta kaabayaasha dhaqaalaha sida beeraha, warshadaha, kalluumeysiga oo dhamaantood hore loo wax yeeleeyay. Sii socoshada silcinta Soomaalida qaxootiga lagu silcinaayo wadamada ay magangalyada ku joogaan, (tusaale dilka lagu hayo dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dibadaha. Aqlaaqiyaadka oo looga cayaaro dhalinyarada rag iyo haween labadaba. Qaxootiyada oo lagu soo rogo nidaamyo cusub oo ay xallintooda ka bixin karin. Xanibaada isu keenka reeraraha kala maqan ayadoo ay garab taal ilmaha oo lala wareego oo weliba waalidiyiinta loo diido inay soo booqan karan. Xanuunka maskaxda oo badanaba ka yimaada isticmaalka maandooriyaha iyo xanuunka waqtiga qaboobaha waxaa loo yaqaan ”Winter Blue”. Imaarado yaryar oo dalka loo kala qaybiyo, (fiiri maamul gobolyeeda maalin kasto lagu dhawaaqayo), dalka oo laga go’doomiyo xagga diblomaasiyadda Afrika iyo adduunka intiisa kale, ayadoo hubka wax gumaado Soomaalida la isugu dhiibo oo qabiil qabiil isku leyno, sidaasna magaca Soomaaliyeed lagu wiiqo. Eebaan taas ka magan gallay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


Qalinkii: Ruug cadaa Saxaafadeed C/qaadir Walaayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip