JAWAARI: Berri ayuu furmi doonaa shirka looga hadlayo Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha

0
Tuesday October 06, 2015 - 19:36:25 in Wararka by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAWAARI: Berri ayuu furmi doonaa shirka looga hadlayo Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha

    Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta shaaciyay in berri uu furmayo shirka looga hadlayo qodobbadii lagu xusay mooshinkii 12-kii bishan Ogoosto ay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ka keene

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta shaaciyay in berri uu furmayo shirka looga hadlayo qodobbadii lagu xusay mooshinkii 12-kii bishan Ogoosto ay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen madaxwaynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Prof. Jawaari ayaa tilamaamay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah; isla markaana looga bahan yahay xildhibaanada keenay mooshinka inay kasoo qayb-galaan, si looga xaajoodo mooshinkooda.

"Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa in maalinta berri ah oo ay ku began tahay taariikhdu 07-da Oktoobar uu Muqdisho ka furmi doono shirka lagu xallinayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, isla markaana looga wada-hadlayo qodobbadii ku xusnaa mooshinkan; waxaana ugu baaqayaa xildhibaannada baarlamaanka ee keenay mooshinka inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo furmi doona 11:00 barqonimo xilliga Muqdisho,” ayuu yiri Jawaari.



Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan saacado badan qaatay kula yeeshay ergeyga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Somalia, kaasoo ay kaga hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya, is-kaashi dhexmara baarlamaanka Somalia iyo kan Mareykanka ee loo yaqaano Congress-ka.

Ergayga Mareykanka ee Soomaaliya, David ayaa xusay in dowladda Maraykanku ay soo dhawaynayso horumarka weyn ee uu ku tallaabsanayo dalka, isagoo intaa ku daray in Mareykanku uu taageerayo wax kasta oo Somalia u horseedki kara horumar.

Ugu dambeyn, Jawaari ayaa kaga mahaad-celiyay dowladda Mareykanka sida wanaagsan ee ay gacan uga geysan lahayd sidii dowladda Somalia ay cagheeda isku-taagi lahayd.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip