Kaxda waa Degmo ku Taalo Miyiga Muqdisho!!!.

0
Friday December 11, 2020 - 10:55:53 in Wararka by
  • Visits: 1690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaxda waa Degmo ku Taalo Miyiga Muqdisho!!!.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Jiingado, waddo xumo, Goof, dhul bannaan iyo Geed miroodyada baadiyaha laga helo ayaa ishaada buuxinayo marka aad damacdo inaad booqato Degmada Kaxda oo ah Degmada ugu da’da yar Degmooyinka G/Banaadir!!!.

              Joqoraafi-ahaan waxa ay dhacdaa Galbeedka caasimadda Soomaaliya, xuduud waxa ay la leedahay Degmooyinka Dharkeynley oo horey looga jarey, Dayniile iyo Deegaanka Garas-baaleey, dad u badan hal dhinac ayaa ku nool Degmadaasi.
 
               Dhul u badan buurro ayaa ku hareeraysan, xilligii ay jirtay Dawladdii Shiikh Shariif ayaa Kaxda Degmo loo aqoonsadey, marka aad dhex istaagto waxa aad dareemaysaa in aad joogto meel aan Baadiyo aheyn haddana aan magaalo aheyn!!!
 
              Hal waddo oo caan ah ayay Kaxda leedahay, wadadaasi oo loo yaqaanno Jaayga ayaa waxa ay xiriirisaa goobaha ugu shidan Degmadaasi iyo xarunta looga arimiyo bulshada deegaankaasi.
 
Isbadallo iyo dhismooyin kooban ayaa Xaafaddaha qaarkood ka socda, kobac xagga guryaha ayaa ka jira, inta aad joogto Degmadaasi ma arkaysid                  Qasriyo Qurux badan, Hotello waaweyn, Baarrar Casri ah oo adeeg wanaagsan aad ka heli karto, Super marketyo shidan iyo xarumo ganacsi oo nuurayo!
 
                Inkasta oo Degmadu meelo badan ay ka dansan tahay ayaa haddana waxa ay leedahay Hawo macaan badan, raashin jaban, caano fresh ah oo sidii geella looga soo lisay ah & nimcooyin kale oo u gaar ah.
 
Niyad-sami, kalgacal walaaltinimo, soo dhaweyn iyo sooryo suuban ayay macruuf ku yihiin bulshada reer Kaxda, hubaashii nabad lagu naaloon karo ayay haystaan dadka ku nool halkaasi, dalxiisayaal u badan dhallinyaro ayaa waqtiyo kala duwan booqasho ku taga Degmadaasi.
 
              Waddadii ugu horeysay ee Laami ah ayaa haatan laga hirigilinayaa, isku tashi iyo xoogga dadweynaha ayaa la rajaynayaa in waddadaasi lagu dhiso, guul ayay Degmadu u noqon doontaa haddii lagu najaxo dhismaha laamigaasi.
 
Bilow wanaagsan ayay xagga horumarka ka samaynaysaa Degmada, waji cusub ayay Kaxda yeelan doontaa marka uu taaba-galo dhismaha waddada laamiga ah ee haatan la dhagax dhigay!
WQ:C/Laahi Shiikhaalow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip