HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 8-DEC-2020

0
Tuesday December 08, 2020 - 08:38:32 in Wararka by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 8-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble oo sheegay in ay waqtigeeda ku dhaceyso doorashada

     R/wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Roo ble oo Shalay furay Madasha Iskaashiga Soomaal iya iyo Beesha caalamka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan howllaha hortebinta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Na badda, Dhaqaalaha,Xaqiijinta Doorasho waqtigee da ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta 1aad siinayaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhig ga u ah qabsoomidda Doorasho waqt igeeda ku dhacda oo waafaqsan he shiiskii Samareeb iyo Muqdisho ee ay horay u gaa reen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haw eenka loo qorsheeyey ee 30%.

     "Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen DFiyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsanaa doorasho dadban, waxa uu ahaa he shiis siyaasadeed oo dhowraya qoondada haween ka ee 30% , isla markaana hagaya hirgalinta door ashooyinka soo socda”.

      Eng. Rooble ayaa tilmaamay in horumar laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dayn cafin ta, haddana uu meel wanaagsan marayo, inkastoo dhaqaalaha dalka oo nugul ay saameyn ballaaran ku yeesheen caabuqa Karoonaha, ayax burburiyey daligii beeraha iyo duufaanta Gati.

     Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay si da ay uga go’an tahay dib-u-habeynta amniga, dhismaha ciidanka, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada iyo xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin, dib-u-soo celinta noloshada bul shada ku barakacay colaadaha iyo u diyaarinta ciidanka qaranka sidii ay amniga guud ugala ware egi lahaayeen AMISOM.

     Si loo xoojiyo hannaanka dowlad dhisidda Soo maaliya ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu inuu booqashooyin ku tageyo dowlad gobolleedyada dalka, taasoo ujeedku yahay sidii Soomaaliya hor umarkeeda wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa.

Shirkan oo goob-joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasa are Ku-xigeenka dalka, Madaxda Dowlad Gobol eedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Khadka Internetka uga qeyb-galay , Duqa Muqd isho iyo Wakiillo ka Socda Beesha Caalamka

Duqa Muqdisho iyo dowladda Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimada

     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulan gaar ah la qa atay Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarm alka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle waxa ayna kawada hadleyn, Qorshaha uu maamulka Go bolka Banaadir ku hirgalin doono Xarun Dhalinyar ada lagu Bari doono Xirfadaha kala duwan oo ay taageri doonto dowladda Jarmalka.

     Waxa ay sidoo kale ka wada hadleyn arimo la xiriira taageerada dib u dhiska Caasimadda Ja mhuuriyada Soomaaliya sida wadooyinka iyo Bulaacadaha oo ay Dowladda Jarmalka taagera yso dhawaan.Ugu danbeyn duqa magaalada Muq disho Mudane Cumar Filish iyo Safiir ku-xigeenka      Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Sooma aliya Amb Sascha Andreas kienzle ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira Amniga iyo Doorashooyinka Dalka.

Axmed Madoobe oo dhaliilay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM

    Madaxweynaha  Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soo maaliya iyo beesha Caalamka.

     Madaxweynaha ayaa khudbadiisa diirada ku saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah.

       Waxaa Madaxweynahu uu ugu horay Dowla daha iyo Saxiibada tageera Soomaaliya uga ma had celiyay dadaalka ay ku bixinayaan sidii dib lo ogu dhisi lahaa nabadgalyada iyo xasiloonida dalka balse waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan dib u dhacyo joogta ah iyo isla xisaabtan la’aan gaar ahaan howlgalada AMISOM oo aan sidii la rabay loo fulin iyo dhismaha Ciidamada Qaranka oo aan waxba ka suurta galin.

      Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka in la helo hanaan amni oo damaanad qaad aya Nolosha dadka Shacabka ah taas oo aan ilaa hada muuqan.

      Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay dardar galinayaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan isla markana ay lacago baad ah ka qaa dan dadka Shacabka ah taasna ay dhibaato dhaqa ale oo Cusub dalka galisay.

      Madaxweynaha oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka Doorashada ee Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay Doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay Doorashada ku qabana ynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin.

     Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in Dow lada Federaalka ah looga baahan yahay inay ari ntaas si dhab ah u qaadato isla markana ay Ciida mada iyo Maamulka ay halkaas gaysay ay kasoo saarto kuwaan wareejiso Dowlada Jubaland.

     Waxaa uu  sheegay Madaxweynahu in ay So omaaliya mudnaan gaar ah u leeyahiin Doorasho oyinka iyagoo saamayn ku leh Hormarka dalka iyo xasiloonida wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in doorashada oo lagu shubto ama la boobo ay keenayso dhibaato aan kasoo kabasho lahayn

       Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Doo rasho la isla ogolyahay oo la tashiga iyo dhagay siga dadku ay udub dhexaad u yihiin si gaar ah Arimaha Gobolada waqooyi ayuu sheegay in ay muhiim tahay in dib loo eego iyadoo aan la iska In dho tiraynin dadka tabashooyinka qaba gaar aha an Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mid kamid ah xilalka dalka ugu sareeya ku matala Gobolada waqooyi.

    Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xukuumada Federaalka ah inay qaadato doorka ay ku leedahay shaqada socota isla markana ay ka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd Doorasho loo dhan yahay.

RW Rooble oo Jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal uu sheegay Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Mad oobe oo Shalay Aalada Zoomka ee Internet-ka uga qeyb-galay shirka Iskaashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa sheegay in Ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo ay yihiin Jabhad, hayeeshee waxaa hadalkaas deg deg, ah  uu shir ka socdo uga jawaabay Ra’iisul Wasaaraha.

     "Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid Musharax doorka aad leedahay in aad qaadato ayaa lagaa rabaa. Marka Puntland doorashada ku qabato laba da meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbe ed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qe exo Jubbaland meesha wax ku qa baneyso, haddii kale qoraal soo saa ra waanu la wareegnay dhaha Ge do, idinkoo sababeynaya ayuu yiri Axmed Mad oobe”

      Ra’iisul Wasaare rooble oo u jawaabay Axmed Madoobe ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo aysan aheyn Jabhad basle ay yihiin Ciidamo Soomaali ah, wuxuuna Axmed Madoobe uu ugu baaqay in uu raalligelin bixiyo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya geysay Gob olka Gedo 10 Bilood ka hor ayaa waxaa ay gacan ta ku hayaan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaa na ay dagaal la galeen Ciidamada Wasiirka Amni ga Jubbaland iyo Ciidamo Kenyan ah oo ku sugan Xadka Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera

Deni oo dowladda ugu baaqay inay Ciidamada kala soo baxdo gobolka Gedo

      Madaxweynaha DG/Puntland Saciid C/hi Deni ayaa ugu baaqay DFS inay Ciidamadeeda kala soo baxdo G/Gedo Gaar ahaan degmada Garba haareey, si Jubbaland ay u qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

     Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Shalay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka oo uu uga qeyb-galay Aalada Zooomka ayaa sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Dowladda tixge liyaan nidaamka, isla markaana Ciidamada ay gey say Gobolka Gedo ay dib uga soo celiso.

      Saciid Deni waxaa uu sheegay in aan la fulin heshiiskii doorashada ee Madaxda dowladda & Dowlad goboleedyada, gaar ahaan kan ku saa bsan in Guddiyada doorashooyinka Xildhibaanna da Gobolada waqooyi lagu soo xulo wadatashiga dhamaan saamileyda kasoo jeeda Soomaaliland, waxaana uu ku baaqay in Guddiga doorashooyin ka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi uu nqodo mid loo dhan yahay oo ay ka wada tashadaan dhammaan xubnaha saamileyda ee ka soo jeeda Somaliland.

      Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa she egay in Guddiyada doorashooyinka ay dowladda soo magacaawday aysan buuxin shuruudihii he shiiskii doorashada, isla markaana ay walaac ka muujinayaan.

      Madaxweynayaasha puntland iyo Jubbaland ayaan weli dowladda Federaalka soomaaliya u soo gudbin Guddiyada doorashooyinka Heer Dowl ad goboleed, halka Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle & K/ Galbeed ay u soo gudbiyeen.


Qoor Qoor” Galmudug door muuqdo ayay ka qaadaneysaa habsami u socodka doorasho oyinka”

     Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo hadal ka jeediyay Shirka Mada sha Iskashiga ee Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in heshiiskii doorashada uu burburo, isla markaana ay muhiim tahay in laga wada Sha qeeyo habsami u socodka iyo hufnaanta door ashooyinka.

     Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in wixii tabashooyin ah ee jira ay wanaagsan tahay in la iska qanciyo, lana muujiyo tanaasul, isqancin la xiriirta arrimaha doorasho oyinka oo haatan uu muran ka taagan yahay, Galmudugna ay kaalinteeda qaadan doonto.

        "Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doora shooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay ayuu yiri” Madaxweynaha Gal mudug.

      Waxaa uu ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadeed ee dalka inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato dalkan u horseedi karta, si dalka uu horay ugu socdana la wada heshiiyo.

        Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  oo Dorraad dib ugu laabtay dhuu samareeb ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho wax aa uu waday qorshooyin uu ku dhex-dhaxaadinayo Madaxda Dowladda & Midowga Musharixiinta oo qaadacay guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday.

QM oo Warka soo saartay doorashooyinka muranka ka taagan yahay ee Somalia

        Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan So omaaliya Amb, James Swan oo khudbad Shalay ka jeediyay Shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Ca alamka ayaa ka hadlay Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

      Waxaa uu sheegay Amb, James swan inay mu hiim tahay in saamileyda Siyaasadeed ee Soom aaliya inay inay hehsiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka oo xilligaan uu muran ka taagan yahay.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaa bilsan Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu carabka ku adkeeyay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay, waxaana uu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay shir isugu yimadan oo lagu xaliyo arimaha jira

      Amb, James Swan ayaa sii adkeeyay hadalkii R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Ro oble ee ahaa in shir ay isugu imaanayaan Muqdi sho Madaxda Dowladda & dowlad goboleedyada.

Hadalka Wakiilka Qaramada Midoobey u qaab ilsan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran ka taagan ya hay guddiyada doorashooyinka ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kasoo horj eesteen Midowga Musharixiinta iyo Xubnaha Muc aaradka.

Midowga Musharixiinta oo War kasoo saaray xaalada ka taagan Beledweyne

      Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweyna ha Soomaaliya ayaa waxaa ay War kasoo saareen xaalada ka taagan M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan, iyaga oo ku baaqay in xal laga gaaro arrimaha ka taagan Maamulka Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay walaac xoogleh ka muujinayaan xasilooni darrada ka jirta G/Hiiraan gaar ahaan M/Beledweyne, waxaana sheegeen inay abuurtay D/Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

     Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta Mad axweynaha ayaa qoraalkooda waxaa ay ku shee geen in halkii hogganka dalka uu abuuri lahaa naabdeyn Beelaha walaalaha ah ee Hir-Shabeelle uu ku howlan yah ay kicinta & kala qeybinta Beelaha Gobolka, wax aayna sheegene inay taasi lidi ku tahay dhismaah nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharixiinta Mad axweynaha ayaa shaaciyay in walaaca ay ka qabaan xaalada Magaalada Beledweyne darted ay ku baaqayaan.

      1: In hogagnka DFS uu joojiyo hagardaameyn ta Shacabka G/Hiira an , dhageystana yabashada ay qabaan qaataana mas’uuliyada ka saran xalinta tabashada Shacabka.

     2: in la dhowro xasiloonida, walaalnimada  wa da noolaanshaha Shacabka Hir-Shabeelle lana joo jiyo waxkasta oo fowdo iyo fidno abuuri kara

3: Goluhu waxaa uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto xalinta khilaafka taagan si loo helo Hire-Shabeelle loo dhan yahay xasiloon, nabadna ah.

Akhriso: Magacyada Guddoonka ay doorteen Guddiga Badbaadada Doorashada ee Musharaxiinta

     Guddiga Badbaadada doorashada ee ay dhow aan magacaabeen Midowga Musharaxiinta Mad axweynaha ayaa Shalay shirkooda u horreeyay yeeshay, iyagoo iska dhex doortay Guddoon.

      Xubnaha Guddiga oo ka kooban ayaa doortay Guddo omiye, Kuxigeen, Xogheyn iyo Afhayeen, waxaana Gu ddiga sheegay inay u howlg eli doo naan badbaadada doorashada, loona heli lahaa doorasho la isla ogol yahay.

      Guddoomiyaha Guddiga Badbaadada ayaa loo doortay Yuusuf Xasan Mursal oo ahaan jiray war iye ka shaqeyn jiray Idaacada BBC.

    Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Guddoonka ay iska doorte en Guddiga, waxaana Musharaxiinta hambal yee yay ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/rax maan C/shakuur Warsame.

  Haddaba magacyada Guddoonka waxay kala yihiin:-

1) Guddoomiyaha Guddiga Yuusuf Xasan Mursal.

2) Gudoomiye Kuxigeen C/llaahi Maxamed Aadan (Farey)

3) Xoghaye C/fitaax Maxamed Dhicis.

4) Afhayeen C/llaahi Cabdi Maxamed (C/llaahi Taleefan)

Puntland oo u digtay dadka diidan isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga

       Maalmihii la soo dhaafay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ka taagan sicir barar xoogan, kaas oo sababay inay banaanbaxyo waa weyn Gudaha degaannada Maamulkaas ka dhi gaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

      Maamulada degmooyinka Puntland ayaa wax aa ay ku dadaalayan sidii arrintasi wax looga qab an lahaa, iyada oo Madaxtooyada puntland amar tay in aan $1 doolar iyo wixii ka yar la isugu diri kar in lacagta danabaysan. Maamulka G/Nugaal oo ka hadlay sicir bararka iyo banaanbaxyada ay dhigayaan dadka ayaa sheegay inay muhiim tahay qaadashada ama isticmaalak lacagta Shillinka Soomaaliga.

       Guddoomiye kuxigeenka G/Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Ganacsatada loo baahan yahay inay qaataan lacagta Shillinka Soomaaliga, sidoo kale dhamaan maamulada de gmooyinka G/Nugaal ay Canshuurta ku qaadaan Shillin Soomaali.

     Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ka hor-timaada Amarka Maamulka, isla markaana diida isticmaal ka  lacagta Shillinka Soomaaliga.

    Bulshada ku nool degmooyinka iyo degaannada Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen walaaca ay ka qabaan diid mada lacagta Shillinka Soomaaliga oo siweyn loo dareemay.

Laftagareen oo sheegay in Arrinta Cabdi Xaashi aan caqabad laga dhigin

     Madaxweynaha DGK/Galbeed C/casiis  Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in arrinta Cabdi Xaashi aan caqabad laga dhigin, isla mark aana loo baahan yahay in horay loo socdo, heshiis kana loo fuliyo sidii uu u qornaa, iyadoo waxyaaba ha cabashada ka jirana la xali nayo.

Laftaagreen oo khudbad ka jeed iyay Shirka Madahsha Iskaa shiga Soomaaliya & Caalmaka ee ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in Arrimaha guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi uusan heshiiska ku jirin in Cabdi Xaashi looga dambeeyo,isla marka ana uu aaminsan yahay in guddiga doorashada la waafajiyay heshiiskii doorashooyinka.

     "Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arr inta Cabdi Xaashi, arrimaha somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qo ran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeyna yaa guddiga somaliland, wey cadahay heshiiska ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaaba yo waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo somal iland ka soo jeeda, cabdi xaashi oday soomaali yeed waaye ayuu yiri” laftagareen”

     Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay aheyd in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu goo bjoog ka ahaado heshiiskii doorashada si loogu daro, basle taasi aysan dhicin, waqtiga lagu lumin xilligaan caqaabd laga dhigo Arrinta Cabdi Xaashi.

Hay,adda socdaalka oo amar kusoo rogtay Muwaadiniinta Kenyaanka ah

     Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jam huuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo sa artay amaro quseeya socdaalka muwaadiniinta Kenyaanka ah ee doonaya in ay ku safraan ama u soo safraan gudaha dalka.

     Waxa ay sheegtay in dhammaan Muwaadiniinta Kenyaanka laga doon aayo in Safaarada Somaliya ee Nay ro bi ay kasoo qaataan dalkugalka Kenya.

     Hay,adda ayaa sheegtay in cidii Sharciga har eermarta lala xisaabtami doono.

     Sidoo kale muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya Baasaboorka Dublamaasiga ah, waxaa looga baahan yahay in ay ogolaansho ka soo qaa taan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Mahadsanidiin


Murushax Jabriil Ibraahim oo olole ka duwan kuwii hore ka wada dalka gudihiisa

    Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo u tag an xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa olole xoo ggan ka wada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Jabriil oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad loolanka, balse dad badan aysan ka war hayn, ayaa Muqdisho kulamo hoose oo aan war baahinta loo gudbin kula yeelanaya odaya asha dhaqanka, siyaasiyiin iyo ma daxweynayaal hore, xildhibaano, aqoonyahano iyo dhallinyaro.

     Qorshaha ololaha doorashada Jabriil ayaa ah inuu aragtidiisa siyaasadeed u bandhigo shacabka iyo dadka saameynta leh, intii uu waqti ku lumin lahaa warbaahinta.

     Waxa uu sidoo kale la hadlayaa xildhibaanada hadda fadhiya, iyo kuwa cusub ee is-sharxaya, una bandhigayo qorshihiisa siyaasadeed, si uu taageero badan u xaqiijiyo ka hor doorashada.

     Dad ku dhow ayaa sheegay in taas ay tahay sababta inta badan kulamada Jabriil aan lagu soo bandhigin baraha bulshada iyo warbaahinta, ama xitaa inta badan aanu sawirro iska qaadin

     Musharaxiinta ku sugan M/Muqdisho ayaa waxa ay si gaar ah u sameeysteen wariyayaal iyo sawir-qaadayaal daba ordaya, taasi oo sida la sheegay Jabriil uu diiday.

     Qorshahan ayaa sidoo kale ujeedkiisa uu yah ay in musharaxiinta kale ee mucaaradka iyo mu sharax madaxweyne Farmaajo aysan xog badan ka helin ololaha doorashada Jabriil iyo dadka uu la kulmayo

Guddiga lagu muransan yahay ee xalinta Khil aafaadka doorashooyinka oo Gudoon doortay

    Guddiga lagu muransan yahay ee xalinta Khil aafaadka doorashooyinka ee ay diideen mu shar axiinta iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa Shalay Muqdisho ku doortay gu ddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

    Guddigaan ayaa ku xareysay hoteel ku yaalla Muqdisho, wax aana ka maqan xubnihii heer do wlad goboleed ee maamulada Puntland iyo Jubbaland.

    Waxaa gudoomiyaha guddiga loo doortay Cabdullaahi Abyan Nuur, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Ibraahim.

 Cabdullaahi Abyan Nuur Gudoomiyaha cusub ee Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Soo maaliya ayaa sheegay in uu si caddaalad ah u sha qeyn doono.

      "Waxaan naloo doortay xil uu ilaahey na wey diin doono, umaddana ay nagula xisaab tami doonaan” ayuu yiri.

C/rashiid Janan "Go’aanka lagula dirirayo Jubb aland ee ay ka go’do waa Taliyaha NISA

  Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Ca bdinuur oo baxsad ka ah dowladda Federaalka, ka dib markii bilo ka hor ka baxsaday xabsi ay dowladda ku heysan oo ku yaalla Muqdisho ayaa ka sheekeey ay marxaladihii khilaafka D/F iyo Maamulka Jubbala n d iyo qaabkii lagu xiray.

     C/rashiid Janan ayaa sheegay in mar kasta Axmed Madoobe uu diyaar u ahaa wada hadal, ba lse dhanka dowladda Federaalka ay waday isku day kasta oo dagaal ka dhan ah, si ay ula war eegto Maamulka Jubbaland.

     Wareysi uu siiyay Warbaahinta Online-ka ee Hanoolaato ayuu ku sheegay in dhowr jeer uu Mu qdisho u tagay wada hadal, balse dowladda ay mar kasta diidaneyd oo dagaal ay u cadeyd.

      "Waxaa jirtay mar aan Madaxweynaha ku iri maxaa sameyn doontaa haddii Axmed Madoobe dib loo doorto, wuxuu i yiri waa la shaqeyneynaa, isla su’aashaas waxaa weydiiyay Taliyihii Nabad sugida Fahad Yaasiin wuxuu i yiri  maalinta la do orto ayaa la dagaalameynaa, runtii hadalka Taliya ha Nabadsugida ayaa ahaa kii saxda ahaa”ayuu yiri Janan oo intaa ku daray in mar walba dowl adda ay ka dooneysay inuu dagaal ku qaado Axm ed Madoobe.

       Mar uu ka hadlayay xarigiisa iyo cida ku lugta laheyd ayuu sheegay in xariggiisa Muqdisho ay ka dambeeyeen Madaxweyne Farmaajo, Taliyaha Na badsugida Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane oo Madaxweynaha qaraabo la ah, kana mid ah sara akiisha sare ee Nabadsugida.

    "Markii la doortay Axmed Madoobe waxaa aad ay Gedo, gaar ahaan Doolow, waxaa rabay inaan u gudbo Addis Ababa, saraakiisha itoobiyaanka waxay iga codsadeen in aysan jirin diyaarad Dool ow iyo Addis Ababa, oo ay isoo diraan gaari, wa xaa ku iri Muqdisho ayaa tagayaa, si aan diyaara ddiina oo timaado u soo raaco, Muqdisho ayaa ta gay oo aan Transit ku ahaa, markii aan soo baxay  waxaa iga warqabay oo aan u sheegay C/raxmaan       Dheere, marka Muqdisho tagay niman dharcad ah ayaa iga kaxeeyay oo gaari igu qaaday, ina xira y”ayuu yiri C/rashiid Janan oo intaa ku daray in markii la xiray oo guri la geeyay uu u yimid Tali ya hay Booliska G/Banaadir, kuna wargeliyay in ciid anka Gedo joogo inuu soo wareejiyo, sidaasna ay ka soo dalbadeen Madaxda. Waxaa uu sheeg ay in ninka ay talada ka go’day ee colaada Jub bal and waday oo go’aanka lagula dirarayay lahaa uu ahaa Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayaa weli halkiisa ah, waxaana la hadal hayaa in dowladdu qorshey neyso inay soo saarto go’aan ka dhan ah Maam ulka Jubbaland.Xigasho:-Jowhar.com

Qareenka Madaxweyne Trump oo Isbitaalka La Dhigay.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in qareenkiisa, Rudy Giuliani laga helay cudurka COVID-19.Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay madaxweynaha ayaa u qornaa sidan "Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa Rudy, howshuse waa ay socon doontaa!”

      Giuliani oo 76 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka Georgetown University me dical centre ee Washi ngton DC.

     Md.Giuliani, oo hoggaaminayay kooxda ololaha Trump ee loollanka dhanka sharciga galinaysa nat iijooyinkii doorashada 2020, ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee ku jira xayndaabka dhaw ee mada xweynaha ee cudurka laga helay.

    Trump iyo kooxdiisa ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan u hoggaansamin hab raaca badqabka iya da oo xusid mudantahay in Trump uu cudurku ku dhacay bishii Oktoobar. 

      Ku dhawaad 14.6 milyan oo qof ayaa waxaa gudaha Mareykanka uu kula dhacay cudurka CO VID-19, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hop kins, halka 281,234 qofna ay u dhinteen – tiradaas oo ah tan ugu badan dal caalamka ku yaal.

    Qareenka ayaa tan iyo doorashadii 3-dii bishii Nofeembar u kala safrayay arrintaas oo qeyb ka aheyd dedaallo aanan miradhalin oo lagu doona yay in meesha loogaga saaro guuldarradii Trump doorashada ka soo gaartay.

Maamulka Puntland oo sheegay inuu helay Lii s ka Ganacsatada salka u ah Didmada lacagta .     D/G/Puntland ayaa amar dul dhigtay shaqsiya adka diidan socod-siinta lacagta shillin Soomaaliga ah, kadib markii isbadal xooggan uu ku yimid qii maha sarifka halka doollar oo todobaadyo kahor ahaa 34,000 Sh.so, waxaana haatan lagu sarif ayaa halka doollar 50,000 Sh.so.

   Isbadalkaas ayaa sababay in Ganacsatada yar yar ay diido qaadashada doollarka, halka ganacs atada waaweyn ka gacma laabteen Shillin Soom aaliga, taasi ayaa dhalisay sicir barar saameeyay qoysaska danta yar.

     Madaxweynaha DG Puntland Siciid C/hi Deni oo la kulmay Guddiga ku xigeenkiisa Axmed Kar aash u xilsaaray soo qiimeynta xalka lagu dejin ka ro Xiisadda ka dhalatay lacagta ayaa soosaaray amar dhaqangalay 1-da December 2020 oo ah in Canshuurta lagu qaado Doollar.

      Go’aankaas ayaa xoojiyay dibadbaxyada ra bshada wata, maamulka ayaa ku qasbanaaday in meelaha ugu muhiimsan Magaalooyinka in uu dhigo Ciidamo dheeraad ah si loo kala eryo Dadka cabanaya.

      Wasiirka Maaliyadda, Maamullada Gobollada, Degmooyinka ilaa Saraakiisha Booliiska waxa ay si joogta ula hadlaan Warbaahinta, halka arrin ay ka mideysan yihiin ayaa ah in ay tallaabo ka qaad ayaan dadka diidan lacagta.

     Gle Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha qa ybta Booliiska G/Bari ayaa shacabka uga digay dii dmada lacagta & sii wadista dibadbaxyada rabsha daha wata oo sababay kacdoon safmar ah dhamm aan Gobollada Maamulkaas.

     Haddaba, DG Puntland maku guuleysan kartaa socod-siinta lacagta & saldhigidda sarifka oo sabab u ah diidmada?

Amiir Turki al-Faysal oo weerar afka ah ku qaaday Israel




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip