Suldaanka Beelaha Daarood oo is-casilaad ugu baaqay Farmaajo 'haddii uusan hal mid sameyn karin'
Suldaanka ayaa madaxweyne Farmaajo kula taliyey in dowladnimada Soomaaliya aysan gacantiisa ku burburin, isagoo u soo jeediyey laba qodob inuu mid yeelo, si dalka looga badbaadiyo burbur.
"Horta marka hore nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin, mida labaad waxaan ku leeyahay madaxweynow dalka badbaadi, maanta gacantaada ayuu ku jiraaye, badbaadi dalka, anigaan dowladdii dhexe ee burburtay waxaan ku lahaa awood aad u badan, si fudud ayey nooga burburtay, marka waxaan mar kale leeyahay xukunka hadaan la ilaalin si fudud ayey dowladnimadu ku burbureysaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaan Beyle.
Sidoo kale waxa uu kula taliyey in laba todobaad gudahood uu isugu keeno maamul goboleedyada dalka oo hadda khilaaf ku kala maqan, isla markaana uu u tanaasulo wax kasta oo danta Qaranku ay ku jirto.
"Waxaan ku leeyaha isugu yeer maamul goboleedyada waa kala taganyihiine, musharaxiintii waa gadoodsanyihiin, dalkii meel xun ayuu marayaa, adigaana madaxweyne ah labadaas talo mid qaado Suldaankaagii baan ahay talo ayaan ku siinayaa Farmaajo,” ayuu yiri.
"Qodobka koowaad isugu yeer musharaxiinta iyo maamul goboleedyada laba todobaad gudahood una yeel wax kasta oo ay doonayaan, hadii taas lagaa waayo sharafta ha iska ridin ee iska casil xilka ee Soomaali dheh keena ninkii aan dalka inkugu dhiibi lahaa” ayuu yiri.
Hoos ka Daawo
Suldaanka Beelaha Daarood oo is-casilaad ugu baaqay Farmaajo 'haddii uusan hal mid sameyn karin'
ldaanka beelaha Daarood Suldaan Cabdicasiis Beyle ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay inuu siinayo laba talo oo hadii mid uu ku dhaqaaqo uu dalkan ku badbaadi karo, si uusan gacantiisa ugu burburin. Waxa uu sheegay in arrinta doo