Arteta Oo Codsi U Diray Man City, Man United Oo Bruno Fernandes Ka Ceshanaysa Barca Iyo Real & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

0
Sunday December 06, 2020 - 17:42:42 in Wararka by
  • Visits: 5118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arteta Oo Codsi U Diray Man City, Man United Oo Bruno Fernandes Ka Ceshanaysa Barca Iyo Real & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

     Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

     Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay maanta oo Axadah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Manchester United ayaa heshiis cusub oo uu toddobaadkii mushahar ahaan £200,000 ku qaadanayo u bandhigaysa khadkeeda dhexe ee Bruno Fernandes si ay uga gaashaantaan xiisaha uga imanaya Real Madrid iyo Barcelona. (Sunday Mirror)

Khadka dhexe ee ree England ee Jesse Lingard ayaa la sheegayaa inuu Man United weydiisan doono inay fasaxdo suuqa January iyadoo la soo xiganayo inuu xiiso ka helayo kooxo Premier League ah iyo kooxaha Scottish Premier League ee Celtic iyo Rangers. (Team Talk)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa weydiistay kooxdiisii hore ee Manchester City inay lasoo socodsiiyaan haddii la heli karo daafaca dhexe ee John Stones. (90 Min)

Inter Milan ayaa wadahadalo ay heshiis cusub ku doonayso la furtay weeraryahankeeda Romelu Lukaku oo 27 sano jir ah iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu kooxo ay Juventus kamid tahay xiiso ka helayo. (90 Min)

 

Weeraryahanka ree Talyaani ee Mario Balotelli ayaa ku biiraya kooxda Serie B-da ah ee AC Monza heshiis jiri doona ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan isaga oo koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda kale ee heerka labaad ee Brescia. (Sky Sports)

Paris St-Germain agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaa sheegay inay kooxdu horumar ka samaynayso inay heshiis cusub ka saxeexato 21 sano jirkeeda Kylian Mbappe. (Goal)

Jose Mourinho ayaa u sheegay kooxdiisa Tottenham inaysan wakhtiga iskaga lumin saxeexa Willian Borges suuqii xagaaga maadaama lacagta ay mushahar ahaan Arsenal ugu bandhigtay ay ahayd mid aysan iyagu doonayn inay bixiyaan. (London Evening Standard)

Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa la xidhiidhay khadka dhexe ee kooxda RB Salzburg ee Dominik Szoboszlai isaga oo 20 sano jirkaas ku qancinayay inuu Real kula soo biiro. (Bild, via AS)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip