Ma Sidanaa Horumarka & Isbedelku? Akhriso Xog Muujinaysa Sida Koeman Ugu Fashilanyahay Barcelona & Isbar-Bardhig Setien Lagula Sameeyay

0
Sunday December 06, 2020 - 17:31:35 in Wararka by
  • Visits: 5090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Sidanaa Horumarka & Isbedelku? Akhriso Xog Muujinaysa Sida Koeman Ugu Fashilanyahay Barcelona & Isbar-Bardhig Setien Lagula Sameeyay

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Barcelona ayaa markale xalay la kulantay natiijo waji-gabax leh iyadoo guuldarro kasoo heshay booqashadeedii kooxda ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz iyadoo waliba qaladaad shaqsi ahi ay ahaayeen waxa ku sababay fashilkaas.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in Barcelona ay booska toddobaad kaga jirto horyaalka ilaa haatan kaddib 10 kulan iyagoo kaliya saddex dhibcood ka sarreeya kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco ee heerka labaad loogu noqdo.

Image

Mid kamida xogaha ceebta ah ee kulankaas looga diiwaan geliyay ayaa ahaa mid dhaliilaysa tababare Ronald Koeman iyadoo muujinaysa sida aysan kooxdu wax isbedel ah uga samaynin xilli ciyaareedkii hore.

     Rekoodhkaasi madaw ayaa ah in Koeman uu 7-diisii kulan ee ugu horreeyay horyaalka La Liga soo guuldarraystay 4 kulan oo ah in ka badan 20-kii kulan ee ugu horreeyay ee uu Quique Setien ka ciyaaray La Liga isaga oo Barca hoggaaminaya maadaama oo uu isagu kulamadaas 3 guuldarro kula kulmay.

Xaqiiqada ah inuu 7 kulan afar kamid ah fashilmay ayaa ka dhigan in isbedelkii ay Barcelona doonaysay markii ay Setien caydhisay ee ay Koeman magacawday uusan ahayn mid wali suurogalay.

Ronald oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa eedeeyay xiddigaha kooxdiisa ee aan sida fiican diirada u saarayn kulanka iyo hab fikirkooda.

Koeman ayaa kulanka kaddib yidhi "Guuldarradan way adagtahay in la sharaxaa”

 

"Waxaanu halkan nimid kaddib dhawr kulan oo wanaagsan, laakiin qaybtii hore ma aysan ahayn mid wanaagsan, waxaanu ka fiicnayn qaybtii labaad laakiin qaabka aanu u guuldarraysanay waxay ahayd mid layaab leh”

"Waxaanu u guuldarraysanay sababta qalad lama filaan ah oo aanad samayn karayn, waxay ka timid in aanan ahayn kuwo diirada saaraya, hab fikirku ma uusan ahayn mid wanaagsan caawa mana aha kaliya daafacyada”

"Way adagtahay in la aqbali qaar kamida goolasha naga dhashay, waxaan filayaa inay tahay malaha sababtoo ah la’aanta in aanan diirada saarayn, waxa naga maqan ad-adayga marka aanaan kubadda haysan taas ayaa malaha ah sababta nalooga dhaliyay, maaha wax sahlan in la sharaxo goolka labaad”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip