KHASAARINTA QARNIGA: Luminta Fursadaha Sahlan Ee Werner Oo Heer Kale Gaadhay, Gool Uu Giroud Ka Difaacay Xalay & Fursadii Uu Lumiyay (Muuqaal)

0
Sunday December 06, 2020 - 16:59:26 in Wararka by
  • Visits: 5191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KHASAARINTA QARNIGA: Luminta Fursadaha Sahlan Ee Werner Oo Heer Kale Gaadhay, Gool Uu Giroud Ka Difaacay Xalay & Fursadii Uu Lumiyay (Muuqaal)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa markale indhaha caalamka iskugu soo jeediyay fursad aad u sahlan oo uu meel kaliya 1 yard u jirta goolka ka khasaariyay kulankii ay xalay guusha 3-1 ka ah ka gaadheen Leeds United.

Werner ayaan kaliya goolkan khasaarin balse arrinta muuqaalada ku celiska ahi ay muujiyeen ayaa ah inuu gool dhalanayay kahor istaagay saaxiibkiisa Blues ee Olivier Giroud maadaama kubaddu shabaqa toos ugu socotay.

Image

Werner ayaa kubadda goolka ku socotay ee Giroud ka timid marka hore ka qabanaya goolka isaga oo la waayay laaga uu doonayo inuu raaciyo balse isku daygiisa labaad ayaa isaguna noqonaya mid uu birta goolka ku garaaco walow uu aad ugu dhawaa shabaqa.
Advertisements
 

Maaha markii ugu horreysay ee uu Werner fursad sidan aad ugu sahlan lumiyo maadaama oo uu kulamadii ugu dambeeyay goolal furan khasaariyay gaar ahaan kulamadii Newcastle United iyo Rennes.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip